Madaxweyne Ku-xigeenka JSL: "Somaliland Waa Shamac Ka Dhex Baxay Dunida, Guulihii Safarraduna Waa Muuqdaan"
Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Maxamed Cali Cabdi, ayaa sheegay in safarradii shaqo ee Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), iyo weftigiisu ku tageen dalalka Maraykanka iyo Imaaraadka Carabta ay ka soo hooyeen guulo waaweyn.
Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa tilmaamay in dadaallada socda ay Somaliland gaadhsiiyeen heer ay indhaha caalamka soo jiidato, isaga oo dalka ku sifeeyey shamac ka dhex baxay dunida oo si weyn loo arkayo.
Waxa uu sidoo kale sheegay in dhinacyada uu ku tilmaamay cadowga Somaliland ay ka walaacsan yihiin dadaallada socda iyo guulaha uu sheegay in qaranku gaadhay. Waxa uu shacabka ugu baaqay inay ilaaliyaan nabadda, xasilloonida iyo wadajirka bulshada.
"Madaxweynaha iyo weftigiisu guushii ay soo hooyeen way muuqataa. Maanta Somaliland adduunka waa laga wada arkayaa, waxaana jira kuwo ictiraafay iyo kuwo soo socda. Cadowgeeduna wuu ka naxayaa, waana arkayaa halka aynu u soconno,” ayuu yidhi Madaxweyne Ku-xigeenka JSL, Maxamed Cali Cabdi.
Hadalkan ayaa ku soo beegmaya xilli hoggaanka Somaliland uu xoogga saarayo dadaallada diblomaasiyadeed iyo xidhiidhka caalamiga ah, kuwaas oo uu maamulka Somaliland ku doonayo inuu ku horumariyo qaddiyadda aqoonsiga iyo iskaashiga caalamiga ah.


0 





