Dawlada Soomaaliya Oo Talaabo Ka Qaadaysa Afar Ka Mid Ah Shirkadihii Xujayda Qaaday Iyo Sababta Keentay

0
Saturday August 10, 2019 - 14:26:59 in News by
  • Visits: 3123
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Soomaaliya Oo Talaabo Ka Qaadaysa Afar Ka Mid Ah Shirkadihii Xujayda Qaaday Iyo Sababta Keentay

    Dawlada Soomaaliya Oo Talaabo Ka Qaadaysa Afar Ka Mid Ah Shirkadihii Xujayda Qaaday Iyo Sababta Keentay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Soomaaliya Oo Talaabo Ka Qaadaysa Afar Ka Mid Ah Shirkadihii Xujayda Qaaday Iyo Sababta Keentay

 


Muqdisho(HWN):-Dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa ka hadashay qaar ka mid ah shirkadaha diyaaradaha oo dayacay xujaydii soomaalida ahayd ee ay qaadeen.

Natiijada sawirka Cismaan Aadan Dhuubow


Afar ka mid ah shirkadaha diyaaradaha ee qaaday xujayda soomaalida ah ayaa la sheegay inay dayaceen xujaydii ay qaadeen isla markaana ay dajiyeen goobo aan munaasib ku ahayn iyada oo aanay u fidin adeegyadii ay xaqa u lahaayeen maadaama oo lacag badan laga qaaday.


Wasiir ku xigeenka wasaarada diinta iyo awqaafta soomaaliya Cismaan Aadan Dhuubow oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in afar ka mid ah shirkadaha qaaday xujayda soomaalida ahi ay dayaceen xujaajtii ay qaadeen oo ay kaga tageen meelo aan ku haboonayn isla markaana ay talaabo ka qaadi doonaan.


Wasiir ku xigeenka diinta iyo awqaafta ayaa sheegay in dawladu ay talaabo ka qaadaysoshirkadahaasi isla markaana si adag loola xisaabtami doono isaga oo xusay in shirkadahaasi ay nidaam qaldan mariyeen qaar ka mid ah xujaydii ay masuulka ka ahaayeen.


Qaar kamid ah shirkadaha diyaaradaha ee dadka Soomaaliyeed u qaaday xajka ayaa la sheegay in si weyn u dayaceen xujeyda ay markii hore ka qaadeen lacago badan una sheegeen in Hoteelo wanaagsan la dejinayo sidoo kale helayaan adeegyo badan balse taasi aysan dhicin.


Dhinaca kale dawlada federaalka ah ee soomaaliya may shaacin magacyada afarta shirkadood ee dayacay masuuliyadii ka saarnayd xujaydii ay qaadeen.



Hadhwanaagnews.com/Muqdisho

Soomaaliya

Loading...
Loading...