Telefoonkaaga Ma Adigaa Maamula, Mise Isagaa Ku Maamula?
Eeyga xorriyaddiisa waxa xaddida silsilad, halka qofkana waqtigiisa, feejignaantiisa iyo mararka qaarkood noloshiisa uu xaddido telefoonka.
Telefoonku waa qalab faa’iido badan leh oo aynu ka baran karno aqoon, kula xidhiidhi karno dadka kale, kuna qabsan karno hawlo badan. Hase yeeshee, marka qofku awoodi waayo inuu ka fogaado, saacado badan ku bixiyo, ama noloshiisa dhabta ah ka doorbido shaashadda, waxa dhici karta in qalabkii uu isticmaalayey uu isagu maamulo.
Waxa laga yaabaa inaad telefoonka u qaadato inaad hal farriin eegto, balse aad ku dambayso saacado aad ku bixisay wax aan wax weyn kuu soo kordhinayn. Intaasi marka ay soo noqnoqoto, waxa kaa lumi kara waqti aad ku baran lahayd xirfad cusub, ku akhrisan lahayd buug, kula qaadan lahayd qoyskaaga, ama ku gaadhi lahayd yoolalkaaga.
Ha noqon qof telefoonkiisu leeyahay; noqo qof telefoonkiisa maamula.
Baro inaad wakhtiga u samaysato xad, telefoonka iska dhigto marka aad shaqaynayso, wax baranayso ama la joogto dadka aad jeceshahay. Isticmaalka qalabku ha kuu noqdo mid noloshaada horumariya, ee yuusan noqon mid kaa mashquuliya nolosha aad doonayso inaad dhisato.
Xusuusnow, telefoonku waa qalab aad adigu gacanta ku hayso, mana aha inuu noqdo wax gacanta ku haya waqtigaaga, fikirkaaga iyo go’aannadaada.
Wax kasta oo aad xakamayn kari weydo, ogow inay khatar ugu jiraan inay iyagu ku xakameeyaan.
Waqtigaagu waa qayb ka mid ah noloshaada. Si xikmad leh u isticmaal, waayo waqtiga lumay dib looma soo celin karo.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!


0 





