Dadaalku Waa Sharaf, Qanacsanaantuna Waa Nimco
Qof baa haysta wax kasta oo uu ku shaqaysan karo, haddana wuxuu doortaa inuu dadka gacanta u fidiyo. Qof kalena wax badan ayaa ka maqan, balse wuxuu doortaa inuu dadaalo oo uu noloshiisa wax ka beddelo.
Haka dhigin waxa kaa maqan cudurdaar aad ku joojiso dadaalkaaga, hana u qaadan waxa aad haysato wax aan qiimo lahayn.
Qanacsanaantu waa nimco, dadaalkuna waa sharaf. Caqabadaha iyo duruufaha adag ee qofka soo wajaha ma aha dhammaadka awooddiisa. Awoodda dhabta ahi waxay ka muuqataa dadaalka, go’aanka iyo rabitaanka uu qofku u leeyahay inuu hore u socdo.
Qofka dadaala wuxuu raadiyaa waddo uu ku gaadho himiladiisa, halka qofka cudurdaarka raadiyaa uu inta badan ku mashquulo sababaha ka hor istaagaya inuu tallaabo qaado.
Noloshu qof walba isku fursado ma siiso, duruufuhuna way kala duwan yihiin. Hase yeeshee, waxa muhiimka ahi waa in qofku qiimeeyo waxa uu haysto, ka faa’iidaysto fursadaha u bannaan, isla markaana aanu quusan marka ay caqabado la soo gudboonaadaan.
Sharaftu kuma jirto inta aad haysato oo keliya, balse waxay ku jirtaa dadaalkaaga, daacadnimadaada iyo sida aad ula tacaasho duruufaha nolosha.
Ha sugin inaad wax kasta hesho si aad u bilowdo. Ku bilow waxa aad haysato, ku dadaal waxa aad rabto, kuna qanac nimcooyinka Alle ku siiyey.
Xusuusnow: Qofka dadaalaa wuxuu raadiyaa waddo, qofka cudurdaar raadiyaana wuxuu raadiyaa sabab uu u istaago.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!


0 





