Niyaddaada Hagaaji, Alle Ayaa Camalkaaga Hagaajinaya
Waxyaabaha aad qarsoodiga ku samayso hagaaji, Alle ayaa muuqaalkaaga...
Niyaddaada hagaaji, Alle ayaa camalkaaga hagaajinaya. Qalbigaaga hagaaji, Alle ayaa akhlaaqdaada qurxinaya.
Waxyaabaha aad qarsoodiga ku samayso hagaaji, Alle ayaa muuqaalkaaga dadka hortooda barakaynaya.
Wax kasta oo aad Alle dartii ugu samayso qarsoodiga, Alle wuxuu muujin doonaa raadkiisa iyo wanaaggiisa bannaanka.
Xusuusnow: Wanaagga dhabta ahi wuxuu ka bilaabmaa qalbiga iyo niyadda. Marka aad wanaag samaynayso, niyaddaada Alle dartii u nadiifi, hana ka dhigin mid aad dadka ku raadinayso ammaantooda. Waxa qarsoon ee aad wanaag ku samayso, Alle ayaa og, ajarkiisana isaga ayaa bixiya.
Loading...
Loading...


0 





