Madaxweyne Cirro Oo U Mahadceliyey Trump Hadalka Uu Ka Yidhi Somaliland Iyo Soomaaliya

0
Thursday October 15, 2026 - 13:42:12 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 40
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Cirro Oo U Mahadceliyey Trump Hadalka Uu Ka Yidhi Somaliland Iyo Soomaaliya

    "Waxaan u mahadcelinayaa Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaan u mahadcelinayaa Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump,


May be an image of dais and text


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa u mahadceliyey Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, hadal uu sheegay inuu ku kala saaray Somaliland iyo Soomaaliya.

 

Madaxweyne Cirro ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo hadalka Trump, isaga oo ku tilmaamay mid muujinaya kala duwanaanshaha Somaliland iyo Soomaaliya.

 

"Waxaan u mahadcelinayaa Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, inuu kala saaray Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliyada fashilantay,” ayuu yidhi Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro.

 

Hadalkan ayaa imanaya xilli Somaliland ay waddo dedaallo diblomaasiyadeed oo ay ku doonayso aqoonsi caalami ah, isla markaana Madaxweynaha iyo wefti uu hoggaaminayo ay dhawaan dalka dib ugu soo laabteen kaddib safarro shaqo oo ay ku tageen Maraykanka iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Loading...
Loading...