Aqalka Cad Oo Difaacay Afhayeenka Cusub Katie Zakaria Kadib Su'aalo Laga Keenay Aqoonteeda Sharciga

0
Thursday October 15, 2026 - 13:15:44 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 27
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aqalka Cad Oo Difaacay Afhayeenka Cusub Katie Zakaria Kadib Su'aalo Laga Keenay Aqoonteeda Sharciga

    Hase yeeshee, markii wariye uu Talaadadii weydiiyey gobolka Maraykanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hase yeeshee, markii wariye uu Talaadadii weydiiyey gobolka Maraykanka



Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa difaacay afhayeenka cusub ee warbaahinta, Katie Zakaria, kaddib markii su’aalo laga keenay aqoonteeda sharciga iyo inay haysato ruqsadda looga baahan yahay qofka ka shaqaynaya qareennimada gudaha Maraykanka.

 

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa toddobaadkii hore, markii uu ku dhawaaqayay magacaabisteeda, ku tilmaamay Zakaria qareen. Zakaria lafteeduna hore ayay isu soo bandhigtay inay tahay qareen.

 

Hase yeeshee, markii wariye uu Talaadadii weydiiyey gobolka Maraykanka ee ay ku gudubtay imtixaanka ruqsadda qareennimada, waxay ku jawaabtay iyadoo madaxweynaha garab taagan: "Markii aan u guuray Shiinaha.”

 

Sidoo kale, magaceeda lagama helin diiwaannada ururrada qareennada ee gobollada Maraykanka ee la sheegay inay ku noolayd, taas oo sii xoojisay su’aalaha laga keenay aqoonteeda iyo ruqsaddeeda qareennimo.

 

Agaasimaha Isgaadhsiinta Aqalka Cad, Steven Cheung, ayaa difaacay Zakaria, isaga oo ku tilmaamay qof leh "aqoon iyo karti gaar ah, isla markaana aad u caqli badan oo gacan ka geysan karta wargelinta shacabka Maraykanka.”

 

Dhankeeda, Zakaria ayaa bayaan ay toddobaadkan soo saartay kaga jawaabtay su’aalaha la xidhiidha aqoonteeda, iyada oo sheegtay: "Waxaan leeyahay waayo-aragnimo xirfadeed oo ku saabsan sharciga macaamilada caalamiga ah, waxaanan haystaa dhammaan shahaadooyinka iyo aqoonta looga baahan yahay.”


Loading...
Loading...