Guddoomiyaha Gabiley Oo Ka Hadlay Xadhigga Masuuliyiin Ka Tirsan Xisbiga KAAH

0
Sunday October 11, 2026 - 19:27:38 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 16
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Gabiley Oo Ka Hadlay Xadhigga Masuuliyiin Ka Tirsan Xisbiga KAAH

    Waxa uu sheegay in masuuliyiinta la xidhay la horgeyn doono hay'adaha caddaaladda,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa uu sheegay in masuuliyiinta la xidhay la horgeyn doono hay'adaha caddaaladda,


Guddoomiyaha Gobolka Gabiley, Maxamuud Cali Saleebaan "Ramaax”, oo uu weheliyo Maayarka magaalada Gabiley, ayaa ka hadlay xadhigga masuuliyiin ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee KAAH, kuwaas oo lagu xidhay magaalada Gabiley.

Guddoomiye Ramaax ayaa sheegay in masuuliyiinta xisbiga KAAH ay ku kaceen tallaabooyin uu ku tilmaamay sharci-darro, kuwaas oo la xidhiidha dib-u-dhiska Garoonka Gabiley. Waxa uu ku eedeeyey inay doonayeen inay arrinta garoonka u adeegsadaan abuurista xiisad iyo khilaaf ka dhex dhasha bulshada iyo dawladda.


Waxa uu sheegay in masuuliyiinta la xidhay la horgeyn doono hay’adaha caddaaladda, si loo mariyo habraacyada sharciga dalka. Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyey in aan la aqbali doonin tallaabooyin uu sheegay inay carqaladaynayaan hawlaha dawladda ama ay xiisad ka abuurayaan gobolka.

Guddoomiye Ramaax ayaa yidhi: "Dadka sharci baa kala haga, awoodna uma laha iyaga oo is leh cambaareyn ka dhiga ama fidno ka abuura in Xisbiga KAAH uu birihii soo qaado oo garoonka ka taago, oo isagii fulin ama dowlad ka noqdo gobolkii, taasna ka ogolaan mayno.”

Waxa uu intaa ku daray in bulshada Gabiley ee danaynaysa xadhigga masuuliyiinta ay arrinta u mari doonto waddada sharciga, isaga oo sheegay inaan la aqbali doonin in shaqo dawladeed oo qandaraas loo galay loo adeegsado abuurista khilaaf siyaasadeed.

"Shaqo dawladeed oo meel ka socotay oo qandaraaskii la kala qaatay in la is yidhaahdo kaga faa'iidaysta oo umadda ku dira dowladda oo fidmo ka abuura, Wallaahay baanan ka yeelan. Gobolkani idiinka baahna meel fidno laga abuuro,” ayuu yidhi Guddoomiye Ramaax.

Guddoomiyuhu ma uusan faahfaahin qodobada sharci ee gaarka ah ee masuuliyiinta loo haysto, halka eedeymaha uu jeediyey ay yihiin kuwo ka soo baxay dhinaca maamulka gobolka.
Loading...
Loading...