Xiisadda Marinka Hormuz Oo Sii Kacsanaysa Kadib Weerarro Lagu Qaaday Maraakiibta Shidaalka
Maraykanka ayaa isaguna sii wada xannibaadda badeed ee uu saaray dekedaha
Xiisadda ka taagan marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee Hormuz ayaa mar kale cirka isku shareertay, kaddib weerarro lagu qaaday maraakiib shidaal qaada, xilli dadaallada lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka Maraykanka iyo Israa’iil kula jiraan Iiraan aanay weli natiijo muuqata ka soo bixin, sida ay sheegtay warbaahinta Al Jazeera.
Ciidanka Badda ee Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa sheegay in markab weyn oo shidaalka caydhiin qaada uu ku dhacay miino badeed, dabna qabsaday, kaddib markii uu maray marin aan la oggolayn. Dhanka kale, hay’adaha la socda ammaanka maraakiibta ayaa soo sheegay weerarro iyo digniino kale oo ka dhacay marin-biyoodka Hormuz iyo Gacanka Cumaan.
Maraykanka ayaa isaguna sii wada xannibaadda badeed ee uu saaray dekedaha koonfureed ee Iiraan, isaga oo sheegay inuu tallaabooyin ka qaaday maraakiib ganacsi oo isku dayay inay maraan aaggaas. Weerarrada iyo xannibaadaha sii kordhaya ayaa saameeyey isu-socodka shidaalka ee marinkan muhiimka u ah ganacsiga caalamiga ah.
Xogta shirkadda Kpler ayaa muujinaysa in celceliska shidaalka caydhiin ee maalin kasta mara Hormuz uu hoos ugu dhacay 8.5 milyan oo fuusto, taas oo qiyaastii 40% ka yar heerkii caadiga ahaa. Hoos u dhacaasi wuxuu muujinayaa saamaynta ay xiisadaha amni ku yeesheen isu-socodka shidaalka ee gobolka.
Dhinaca diblomaasiyadda, Iiraan ayaa ku adkaysanaysa in dib loogu noqdo heshiiskii is-afgaradka ee hore u burburay, isla markaana la taageero heshiis ay la gashay Cumaan oo lagu nidaaminayo marinnada maraakiibta. Hase yeeshee, wada-hadallada ay dhex-dhexaadiyeyaashu labada dhinac u kala gudbinayaan farriimaha ayaan weli laga filayn horumar degdeg ah.
Dhanka barnaamijkeeda nukliyeerka, Tehran ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay Maraykanka kala hadasho arrimaha la xidhiidha uranium-ka, balse aanay gebi ahaanba ka tanaasuli doonin tayeyntiisa. Arrintan ayaa weli ka mid ah qodobbada adag ee hortaagan dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka.
Loading...
Loading...


0 





