Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Oo Kormeer Keddis Ah Ku Tagay Wasaaradda Tamarta Iyo Macdanta

0
Sunday October 11, 2026 - 15:52:47 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 33
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Oo Kormeer Keddis Ah Ku Tagay Wasaaradda Tamarta Iyo Macdanta

    Kormeerka kaddib, Madaxweyne-ku-xigeenku waxa uu kulan gaar ah la yeeshay Wasiirka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kormeerka kaddib, Madaxweyne-ku-xigeenku waxa uu kulan gaar ah la yeeshay Wasiirka



Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna ku-simaha Madaxweynaha, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa saaka kormeer kedis ah ku tagay xarunta Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Somaliland, isaga oo u kuur-galay habsami-u-socodka shaqada, gudashada waajibaadka shaqaalaha iyo adeegyada ay Wasaaraddu qaranka u hayso.

Madaxweyne-ku-xigeenka ayaa intii uu kormeerka ku guda jiray mid mid u booqday waaxyaha iyo xafiisyada kala duwan ee Wasaaradda, isaga oo shaqaalaha ka dhegaystay warbixinno ku saabsan hawlaha ay gacanta ku hayaan iyo qorshayaasha u dejisan waax kasta.

Kormeerka kaddib, Madaxweyne-ku-xigeenku waxa uu kulan gaar ah la yeeshay Wasiirka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta, isaga oo ka dhegaystay warbixinno faahfaahsan oo la xidhiidha hawlaha shaqo ee Wasaaradda, qorshayaasha u dejisan, waxqabadka waaxyaha kala duwan iyo hiigsiga qaranka ee horumarinta khayraadka dabiiciga ah, macdanta iyo adeegyada tamarta.

Madaxweyne-ku-xigeenka ayaa sheegay in Wasaaradda Tamarta iyo Macdantu ay ka mid tahay wasaaradaha qaranka u haya hawlo istaraatiiji ah, isla markaana door muhiim ah ku leh horumarinta dhaqaalaha, kobcinta maalgashiga shisheeye iyo ka faa’iidaysiga khayraadka dabiiciga ah ee Somaliland.

Waxa uu xusay in tamarta iyo macdantu yihiin laba waaxood oo laf-dhabar u ah horumarka qaranka, sidaas darteedna ay lagama maarmaan tahay in Wasaaraddu si hufan oo qorshaysan u gudato masuuliyadda ka saaran horumarinta labadaas waaxood.

Madaxweyne-ku-xigeenku waxa uu masuuliyiinta iyo shaqaalaha Wasaaradda ku boorriyey inay muujiyaan dadaal dheeraad ah, xilkasnimo iyo daacadnimo, isla markaana ay dardargeliyaan hawlaha shaqo ee loo igmaday.

Waxa uu yidhi: "Waxa waajib idinku ah in aad si dhab ah uga soo baxdaan masuuliyadda la idiin igmaday, aad dardargelisaan hawlaha shaqo, isla markaana aad xoogga saartaan sidii loo heli lahaa qorshayaal wax-ku-ool ah oo lagu horumarinayo adeegyada tamarta iyo maaraynta khayraadka macdanta. Dawladda waxa ka go’an in hay’adaha qaranku si hufan u gutaan waajibaadkooda, waxaana la doonayaa in masuul kasta iyo shaqaale kasta uu dareemo masuuliyadda saaran, kuna dadaalo sidii uu wax ugu tari lahaa horumarka iyo adeegyada qaranka.”


Loading...
Loading...