Ciidanka Dabdemiska Somaliland Oo Damiyey Dab Ka Kacay Kaalinta Shidaalka Ee Tawakal

Ciidanka Dabdemiska iyo Samatabixinta Somaliland ayaa habeenkii xalay damiyey dab ka kacay Kaalinta Shidaalka ee Tawakal, oo ku taalla xaafadda Jiica ee degmada Maxamuud Haybe ee magaalada Hargeysa.
Dabkan ayaa ka kacay qolal ku yaalla kaalinta oo ay ku kaydsanaayeen taangiyada shidaalka, kuwaas oo ay ciidanka dabdemisku si degdeg ah u damiyeen markii ay goobta gaadheen. Waxa kale oo dabku qabsaday qol kale oo ay yaalleen saaliido iyo agab kale, kaas oo ay ciidanku qayb ka noqdeen hawsha daminta.
Ciidanka Dabdemiska ayaa sheegay in taangiyada kaydka shidaalka loogu talagalay in lagu aaso dhulka hoostiisa, si looga gaashaanto khataraha ka dhalan kara kaydinta shidaalka. Waxay xuseen in aanay habboonayn in taangiyadaasi lagu dhex kaydiyo qolalka kaalmaha shidaalka.
Dabkan ayaan sababin wax khasaare nafeed ah, waxaana hawlgalka daminta dabka Ciidanka Dabdemiska kala qayb qaatay Ciidanka Booliska Somaliland.
Ciidanka Dabdemiska ayaa digniin adag u diray ganacsatada kaalmaha shidaalka, iyaga oo sheegay inaan la aqbali doonin in taangiyada kaydka shidaalka lagu dhex hayo qolalka, maadaama ay arrintaasi khatar ku tahay shaqaalaha, dadka kale ee goobta jooga iyo deegaanka ku xeeran.
Ugu dambayn, Ciidanka Dabdemiska ayaa ganacsatada kaalmaha shidaalka ku boorriyey inay masuuliyad weyn iska saaraan badbaadada dadka iyo sugnaanta goobaha ay ku shaqeeyaan, isla markaana ay u hoggaansamaan habraacyada badbaadada si looga hortago shilalka dabka iyo khataraha la xidhiidha kaydinta shidaalka.


0 





