Wasiirka Warfaafinta Somaliland Oo Shirkadaha Laydhka U Diray Digniin La Xidhiidha Roobabka
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, Barkhad Jaamac Batuun, ayaa shirkadaha laydhka ee dalka faray inay shaqaalahooda geliyaan heegan, si looga hortago khataraha korontadu keeni karto xilliga roobabka.
Wasiirku waxa uu sheegay inay muhiim tahay in shirkadaha
laydhku muujiyaan feejignaan dheeraad ah, si looga hortago in korontadu sababto
khasaare nafaha dadka soo gaadha, gaar ahaan xilliyada ay biyuhu ku badan
yihiin biyo-mareennada.
Waxa kale oo uu shacabka Somaliland ugu baaqay inay taxaddar
muujiyaan oo ay ka fogaadaan goobaha biyo-mareennada ah, maadaama la filayo
roobab iyo biyo badan oo ka badan intii hore.
Wasiir Barkhad Jaamac Batuun ayaa yidhi:
"Shirkadaha laydhka ee dalka waxa la farayaa inay
shaqaalahooda heegan geliyaan si aanu laydhku nafo u galaafan. Waa in shacabka
JSL ay feejignaan ka muujiyaan goobaha biyo-mareennada ah, maadaama la filayo
xaddi biyo ah oo intii ka badan.”


0 





