Ciidanka Dabdemiska Hargeysa Oo Laba Qof Ka Soo Badbaadiyey Dooxa Weyn Ee Caasimadda

0
Saturday October 10, 2026 - 13:47:14 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 45
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Dabdemiska Hargeysa Oo Laba Qof Ka Soo Badbaadiyey Dooxa Weyn Ee Caasimadda

    Ciidanka ayaa ku guulaystay inay labada muwaadin badbaadiyaan, iyadoo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka ayaa ku guulaystay inay labada muwaadin badbaadiyaan, iyadoo



Ciidanka Dabdemiska iyo Samatabixinta Somaliland ayaa sheegay inay laba muwaadin ka soo badbaadiyeen Dooxa Weyn ee magaalada Hargeysa, gaar ahaan qaybta ku dhow Xaafadda Imaaraadka ee degmada Axmed Macallin Haaruun, kaddib markii uu daadku qaaday gaadhi noociisu yahay Probox oo ay wateen.

Labada qof ee la samatabixiyey ayaa kala ahaa Aadan Ciise Yuusuf oo 52 jir ah, kaas oo ahaa wadihii gaadhiga, iyo muwaadin kale oo 60 jir ah. Ciidanka Dabdemiska ayaa gurmad degdeg ah u sameeyey labada nin, iyagoo adeegsanaya xirfadaha iyo qalabka samatabixinta si ay uga soo saaraan goobta ay biyaha xooggan ku jireen.

Ciidanka ayaa ku guulaystay inay labada muwaadin badbaadiyaan, iyadoo aanay wax dhaawac ahi soo gaadhin. Markii hawlgalku dhammaaday, wadihii gaadhiga ayaa lagu wareejiyey Ciidanka Booliska, kuwaas oo iyaguna qayb muuqata ka qaatay hawlgalka samatabixinta.

Sidoo kale, Ciidanka Dabdemiska ayaa gaadhigii Probox-ta ahaa ku xidhay xadhig, iyagoo geed ku xidhay si aanu daadku u qaadin, maadaama aanay goobta jirin marin ay gaadiidka gurmadku isticmaali karaan.

Ciidanka Dabdemiska ayaa sheegay inay heegan buuxa galeen tan iyo markii galabta roobku ka da'ay caasimadda Hargeysa, iyagoo gaaf-wareegayey laagaha iyo biyo-mareennada kala duwan si ay uga hortagaan khataraha ka dhalan kara daadadka, ugana wacyigeliyaan bulshada iyo wadayaasha gaadiidka.

Shaqaalaha kala duwan ee Dawladda Hoose ee Hargeysa ayaa sidoo kale heegankaas kala qayb qaatay Ciidanka Dabdemiska, si loo xoojiyo gurmadka iyo badbaadada bulshada xilliga roobabka.

Ciidanka Dabdemiska ayaa ugu dambayn digniin adag u diray wadayaasha gaadiidka, iyagoo ugu baaqay inaanay isku dayin inay maraan dooxyada iyo biyo-mareennada ay biyuhu xoogga ku socdaan, isla markaana ay muujiyaan taxaddar dheeraad ah inta lagu jiro xilliga roobabka.


Loading...
Loading...