Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Oo Qiimaysay Waxqabadka Waaxaha Ee Saddexdii Bilood Ee U Dambeeyey

0
Saturday October 10, 2026 - 13:35:22 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 26
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Oo Qiimaysay Waxqabadka Waaxaha Ee Saddexdii Bilood Ee U Dambeeyey

    Kulan-hawleedka waxaa guddoominayey Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulan-hawleedka waxaa guddoominayey Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta



Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Somaliland ayaa kulan-hawleed lagu qiimaynayo waxqabadka waaxaha Wasaaradda muddadii u dhexaysay bilihii Luulyo ilaa Sebtembar 2026 ku qabatay xarunta dhexe ee Wasaaradda.

Kulanka oo saddexdii biloodba mar la qabto ayaa ujeeddadiisu ahayd in lagu qiimeeyo heerka ay waax waliba ka gaadhay fulinta qorshayaashii loo dejiyey, hawlaha qabsoomay, kuwa baaqday iyo caqabadihii hor istaagay hirgelintooda.

Kulan-hawleedka waxaa guddoominayey Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Somaliland, Cabdillaahi Xasan Aaden, waxaana ku wehelinayey Wasiiru-dawlaha Wasaaradda, Ismaaciil Mawliid Cabdillaahi, Agaasimaha Guud, Maxamed Xasan Saleebaan, Xisaabiyaha Guud ee Dawladda, Xassan Muuse Khaliif, iyo agaasimayaasha waaxaha kala duwan ee Wasaaradda.

Intii kulanku socday, agaasime-waaxeedyada ayaa mid kasta si gaar ah u soo bandhigay warbixin ku saabsan waxqabadka waaxdiisa, iyagoo ka warbixiyey bartilmaameedyadii loo dejiyey muddada saddexda bilood ah, hawlaha la fuliyey, kuwa aan qabsoomin iyo sababaha keenay dib-u-dhaca.

Warbixinnada la soo bandhigay ayaa muujiyey horumarka laga sameeyey dhinacyada dib-u-habaynta maamulka maaliyadda dawladda, adeegsiga Nidaamka Iswada ee Maamulka Xogta Maaliyadda Dawladda (IFMIS), dardargelinta iyo kordhinta cashuuraha gudaha, iyo casriyeynta hawlaha kastamyada.

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu falanqeeyey xoojinta xidhiidhka cashuur-bixiyeyaasha iyo wacyigelintooda, ku-dhaqanka xeerarka, maamulka miisaaniyadda iyo kharash-bixinta, wax-iibsiga dawladda, iyo dib-u-habaynta shaqaalaha iyo habraacyada shaqada. Qodobadan ayaa dood iyo falanqayn dheeraad ah lagu sameeyey intii uu kulanku socday.

Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Somaliland ayaa leh qorshe-hawleed sannadle ah iyo qorshe istaraatiiji ah oo shan sannadood ah, kuwaas oo hagaya fulinta waajibaadka iyo hawlaha waaxaha Wasaaradda. Qiimaynta saddex-biloodlaha ah ayaa qayb ka ah nidaamka lagu cabbiro heerka ay hawluhu uga fuliyeen qorshayaashaas.

Ugu dambayn, Wasiirka Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Cabdillaahi Xasan Aaden, ayaa soo xidhay kulan-hawleedka, isagoo masuuliyiinta waaxaha ku bogaadiyey gudashada waajibaadkooda, inkasta oo ay jiraan duruufo dhaqaale oo caalami ah iyo kuwo gobolka Geeska Afrika ka jira.

Wasiirku waxa uu masuuliyiinta kula dardaarmay inay sii laba-jibaaraan dadaalkooda shaqo, si loo dardargeliyo fulinta qorshayaasha Wasaaradda, loona gaadho bartilmaameedyada loo dejiyey muddada saddexda bilood ee soo socota.



Loading...
Loading...