"Cid Waddo Xidhi Karta Ma Jirto, Gacan Bir Ah Ayaan Ku Qabanaynaa" — Wasiir Cumar Shucayb

Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland, Cumar Shucayb, ayaa ka hadlay xaaladda amniga iyo dhacdooyinka la xidhiidha xidhitaanka waddooyinka, isagoo sheegay in aan cidna loo oggolaan doonin inay waddooyin xidho ama ay samayso falal uu ku tilmaamay kuwo amniga wax u dhimaya.
Wasiirka ayaa sheegay in xukuumaddu tallaabo adag ka qaadi doonto cid kasta oo isku dayda inay waddo xidho, isla markaana aanay jirin cid ka baxsan sharciga.
"Cid waddo xidhan karta ma jirto. Gacan bir ah ayaan ku qabanaynaa, kuwa meelahaas wax ku qoraya ee beenta sheegayna hadhow bay odhan doonaan CID-da ayaa nalooga yeedhay,” ayuu yidhi Wasiir Cumar Shucayb.
Hadalkan ayaa Wasiirku ku sheegay iyadoo uu ka hadlayay xaaladda amniga iyo sida xukuumaddu uga falcelinayso dhacdooyinka la xidhiidha xidhitaanka waddooyinka iyo falalka ay masuuliyiintu u arkaan inay khalkhal gelin karaan nabadgelyada.


0 





