"Xeerka Warbaahinta Berri Ayaa La Horkeenayaa Golaha" — Xildhibaan Axmed Khaliif

0
Monday October 05, 2026 - 22:02:32 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 41
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Xeerka Warbaahinta Berri Ayaa La Horkeenayaa Golaha" — Xildhibaan Axmed Khaliif

    Xildhibaan Axmed Khaliif oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland ayaa xaqiijiyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Axmed Khaliif oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland ayaa xaqiijiyey



Xeerka Warbaahinta Somaliland ayaa la filayaa in berri la horkeeno Golaha Wakiillada Somaliland, iyadoo xildhibaannadu ka doodi doonaan qodobbada xeerka iyo arrimaha la xidhiidha nidaaminta hawlaha saxaafadda.

Xildhibaan Axmed Khaliif oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland ayaa xaqiijiyey in xeerka berri la horgeyn doono Golaha.

"Xeerkii Saxaafadda berri, haddii Alle yidhaahdo, ayaa la horkeenayaa Golaha Wakiillada,” ayuu yidhi Xildhibaan Axmed Khaliif.

Haddii xeerka la horgeeyo sida la sheegay, xildhibaannada ayaa fadhiga Golaha kaga hadli doona qodobbada ku jira xeerka iyo habka loo sii ambaqaadayo hawsha sharci-dejinta.


Loading...
Loading...