Wasiirka Biyaha Oo Ceerigaabo Kulan Lagaga Arrinsanayo Baahiyaha Biyaha Ku Qabtay

0
Monday October 05, 2026 - 22:00:00 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 33
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Biyaha Oo Ceerigaabo Kulan Lagaga Arrinsanayo Baahiyaha Biyaha Ku Qabtay

    Kulanka oo ay ka qayb galeen madaxda heer gobol iyo degmo ayaa sidoo kale

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka oo ay ka qayb galeen madaxda heer gobol iyo degmo ayaa sidoo kale



Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland, Maxamed Cabdimaalik Axmed, ayaa magaalada Ceerigaabo ku qabtay kulan lagaga arrinsaday xaaladda iyo baahiyaha dhinaca biyaha ee Gobolka Sanaag.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta mashaariicda horumarinta ilaha biyaha, horumarinta adeegyada biyaha iyo sidii loo dabooli lahaa baahiyaha ka jira gobolka.

Kulanka oo ay ka qayb galeen madaxda heer gobol iyo degmo ayaa sidoo kale lagaga wada hadlay xoojinta wada-shaqaynta Wasaaradda Horumarinta Biyaha iyo maamulka deegaanka, iyo sidii loo dedejin lahaa hirgelinta mashaariicda biyaha ee Gobolka Sanaag.

Wasiirka ayaa kulanka ku dhegaystay warbixinno ku saabsan xaaladda adeegyada biyaha iyo baahiyaha ka jira gobolka, iyadoo xoogga la saaray sidii loo horumarin lahaa adeegyada biyaha ee bulshada Gobolka Sanaag.


Loading...
Loading...