Wasiirka Deegaanka Somaliland Oo Awdal Ka Daah-furay Wacyigelin Ilaalinta Deegaanka
Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Somaliland, Mudane Cabdullaahi Jaamac Cismaan (Geeljire), oo uu wehelinayo Guddoomiyaha Gobolka Awdal, Mudane Xasan Daahir (Xasan Ciid), ayaa maanta Gobolka Awdal ka daah-furay wacyigelin ballaadhan oo ku saabsan ilaalinta deegaanka.
Wacyigelintan oo ay qayb ka yihiin Ciidanka Ilaalinta Deegaanka ayaa laga fulin doonaa guud ahaan gobollada Somaliland, iyadoo bulshada lagu gaadhsiinayo muhiimadda ay leedahay dhowrista deegaanka iyo khayraadka dabiiciga ah ee dalka.
Ololaha ayaa si gaar ah diiradda loogu saarayaa ka hortagga xaalufinta dhirta, wax-soo-saarka dhuxusha iyo falalka kale ee waxyeellada u geysta deegaanka, iyadoo bulshada lagu baraarujinayo doorka ay ku leeyihiin ilaalinta khayraadka dabiiciga ah.
Sidoo kale, Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ayaa dhagax-dhigay seere ballaadhan oo laga hirgelinayo deegaanka Qolqol, kaas oo qayb ka ah qorshayaasha Wasaaradda ee lagu ilaalinayo deegaanka, dhirta iyo dhul-daaqsimeedka.
Seeraha ayaa sidoo kale loogu talagalay in lagu xoojiyo dadaallada lagu dhowrayo khayraadka dabiiciga ah iyo ilaalinta deegaanka, iyadoo wacyigelinta iyo tallaabooyinka ilaalintu ay gaadhi doonaan gobollada kala duwan ee Somaliland.


0 





