Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland Oo Ka Hadlay Shaqaaqadii Kodayare

0
Monday October 05, 2026 - 21:53:49 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 56
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland Oo Ka Hadlay Shaqaaqadii Kodayare

    "Shaqaaqadii ka dhacday Koda-yare waxay ku koobnayd hal qof, cid kale oo kula socotay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Shaqaaqadii ka dhacday Koda-yare waxay ku koobnayd hal qof, cid kale oo kula socotay



Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland, Cumar Shuceyb, ayaa ka hadlay shaqaaqo ka dhacday deegaanka Kodayare ee degmada Dacarbudhuq, isagoo sheegay in dhacdadu ku koobnayd hal qof, isla markaana ciidamada ammaanku ay baadi-goobayaan qofka lagu eedeeyay inuu falka geystay.

Wasiirka ayaa sheegay in xaaladda amni ee dalka ay guud ahaan wanaagsan tahay, isla markaana xukuumaddu ay ka go’an tahay ilaalinta amniga iyo la tacaalidda cid kasta oo dambi gasha.

"Shaqaaqadii ka dhacday Koda-yare waxay ku koobnayd hal qof, cid kale oo kula socotay ma jirto, ninkii falkaas gaystayna waa lagu wada maqan yahay,” ayuu yidhi Wasiir Cumar Shuceyb.

Waxa uu sidoo kale sheegay in qof kasta oo dambi gala ama fal xun sameeya loo baahan yahay in laga wada soo horjeesto, isagoo xusay in xukuumaddu tallaabo ka qaadi doonto cid kasta oo khalkhal gelisa amniga.

"Qofka dambi gala ama wax xun sameeya dhinac ayaynu uga soo wada jeesanaynaa, xukuumadduna gacan bir ah ayay ku qabanaysaa oo baryo laga gali maayo,” ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiir Cumar Shuceyb ayaa intaa ku daray in aanay jirin xaalad amni-darro oo guud oo dalka ka jirta, isagoo sidoo kale sheegay inaan cidna loo oggolaan doonin inay waddooyin xidho ama abaabul amni-darro ah samayso.


Loading...
Loading...