HAN Oo Bogaadisay Hindisaha WADDANI School of Leadership
Madasha Aqoonyahanka Hogol Academic Network (HAN) ayaa si weyn u soo dhawaysay una bogaadisay Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, iyo hindisaha uu ku dhawaaqay ee lagu hirgelinayo WADDANI School of Leadership, oo loogu talagalay tayeynta aqoonta, xirfadda iyo kartida kaadirka siyaasadeed ee xisbiga.
HAN ayaa sheegtay in xisbi siyaasadeed oo dhisan aanu ku koobnaan guul doorasho oo keliya, balse uu u baahan yahay kaadir leh aqoon, xirfad, karti iyo faham hay’adeed.
"Xisbi siyaasadeed oo dhisan kuma filna guul doorasho oo keliya, balse wuxuu u baahan yahay kaadir aqoon, xirfad, karti iyo faham hay’adeed leh.”
Madashu waxay si gaar ah u soo dhawaysay in dugsigaasi noqdo xarun lagu barto hoggaaminta, siyaasadda, maamulka dawliga ah, dejinta siyaasadaha, diblomaasiyadda, isla-xisaabtanka iyo adeegga dadweynaha, iyadoo ujeeddadu tahay in la helo jiil siyaasadeed oo si wanaagsan ugu diyaarsan masuuliyadaha hoggaamineed.
HAN ayaa sidoo kale carrabka ku adkaysay muhiimadda ay leedahay in qof kasta loo diyaariyo xilka ama booska uu hiigsanayo, iyadoo tidhi:
"Qof kasta waa in loo diyaariyaa xilka ama booska uu hiigsanayo.”
Madashu waxay intaas ku dartay in Somaliland u baahan tahay xisbiyo aan ku koobnaan xilliyada doorashooyinka, balse noqda xarumo joogto ah oo lagu diyaariyo laguna kobciyo hoggaamiyeyaal leh aqoon, karti iyo masuuliyad.
"Somaliland waxay u baahan tahay xisbiyo aan ku koobnaan doorashooyinka, balse noqda xarumo lagu diyaariyo laguna kobciyo hoggaamiyeyaal aqoon, karti iyo masuuliyad leh.”
Ugu dambayn, HAN waxay Xisbiga WADDANI ku dhiirrigelisay in hindisaha WADDANI School of Leadership loo hirgeliyo si xirfad leh, nidaamsan oo waara, iyadoo la dhisayo manhaj iyo hannaan tababar oo tayo leh, si uu uga qayb qaato tayeynta siyaasadda iyo dhismaha hay’adaha xisbiyada.


0 





