Taiwan Oo Somaliland Ku Wareejisay $1 Milyan Oo Lagu Xoojinayo Adeegga Sifaynta Kelyaha
Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta Dawladda Taiwan kala wareegtay deeq lacageed oo dhan 1 milyan oo dollar, taas oo loogu talagalay xoojinta, kordhinta iyo tayaynta adeegga sifaynta kelyaha (Dialysis) ee laga bixiyo cisbitaallada Somaliland.
Deeqdan ayaa Safiirka Taiwan u fadhiya Somaliland, Allen C. Lou, ku wareejiyay masuuliyiinta Somaliland. Munaasibadda waxaa goob joog ka ahaa Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo Agaasimaha Guud ee Cusbitaalka Guud ee Hargeysa.
Taageerada Taiwan ee dhinaca caafimaadka ayaa lagu sheegay inay qayb ka qaadanayso horumarinta adeegyada caafimaad ee muhiimka ah, gaar ahaan daryeelka bukaannada qaba xanuunnada kelyaha. Deeqdan ayaa diiradda lagu saarayaa kordhinta helitaanka adeegga sifaynta kelyaha iyo tayaynta adeegyada caafimaad ee bukaannada u baahan.
Kaddib munaasibadda, Safiirka Taiwan iyo weftigiisa ayaa booqday Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland ahna Ku-simaha Madaxweynaha, Maxamed Cali Aw Cabdi, oo xafiiskiisa ku qaabilay.
Madaxweyne-ku-xigeenka ayaa si qoto dheer ugu mahadnaqay Dawladda Taiwan taageerada ay siiso Somaliland, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada caafimaadka, horumarinta adeegyada bulshada iyo mashaariicda horumarineed ee laga hirgeliyo Somaliland.
Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa sheegay in iskaashiga Somaliland iyo Taiwan uu tusaale u yahay wada-shaqayn ay labada dhinac ku abuuri karaan fursado horumarineed oo wax ka tari kara nolosha bulshada.
Dhankiisa, Safiirka Taiwan u fadhiya Somaliland, Allen C. Lou, ayaa sheegay in Taiwan ay ku faraxsan tahay iskaashiga labada dhinac, isla markaana ay sii wadi doonto taageerada Somaliland, gaar ahaan dhinacyada caafimaadka, ICT-ga, beeraha, amniga, horumarinta bulshada iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.
Safiirku waxa uu sidoo kale sheegay in Taiwan ay sii xoojin doonto taageerada mashaariicda waxtarka u leh bulshada Somaliland iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dhinac.


0 





