Xisbiga Waddani Oo Shaaciyay Xiliga Uu Qabsoomayo Shirkooga Golaha Dhexe.

0
Saturday August 10, 2019 - 12:20:29 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2045
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga Waddani Oo Shaaciyay Xiliga Uu Qabsoomayo Shirkooga Golaha Dhexe.

    Hargaysa (HWN) Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee xisbiga WADDANI Md Cismaan Afgaab Nuur

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa (HWN) Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee xisbiga WADDANI Md Cismaan Afgaab Nuur

ayaa sheegay in shir guddida fulinta ee xisbigu yeeshay 08-08-2019 lagu go’aamiyay xilliga la qabanayo shirka Golaha Dhexe waxaanu farriin u diray xubnaha ka qayb galaya shirka.



" Shir ka qabsoomay xarunta xisbiga oo guddida fulintu ay isugu yimaaddeen sideedii bishan waxa lagu go’aamiyay in shirkii Golaha Dhexe qabsoomo 28-ka ilaa 29-ka bisha sagaalaad (28-29, September 2019), kana qabsoomo magaalo madaxda Togdheer ee Burco,” Sidaas ayuu yidhi Mudane Cismaan Afgaab


Guddoomiyaha Golaha Dhexe waxa uu farriin u diray xubnaha Golaha Dhexe oo uu ku boorriyay in ay wakhtiga ilaaliyaan " Waxa kale oo aan farriin u diraya qof kasta oo Golaha Dhexe ka tirsan waxa loo soo diri doona farreen iyada oo loo tilmaamayo xilliga uu imanayo xarunta iyo xilliga uu qaadanayo kaadhka, marka qof kasta oo farriintaasi soo gaadho waxaanu ku wargelina in uu ilaaliyo wakhtiga uu tilmaamayo qoraalka ku soo gaadha oo qof walba sidooda u fuliyo farriimaha soo gaadha,’ ayuu yidhi Md Cismaan Afgaab.

 

 

Loading...
Loading...