Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Kormeeray Xeryaha Ciidanka Iyo Cusbitaalka Burco.

Taliyaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Sarreeye Guuto Nimcaan Yuusuf Gaaxnuug, ayaa maanta kormeer ku tegay qaar ka mid ah xeryaha Ciidanka Qaranka ee magaalada Burco, gaar ahaan Taliska Qaybta 12-aad.
Taliyaha ayaa kulan la yeeshay saraakiisha Taliska Qaybta 12-aad, isagoo ka xog-waraysatay xaaladda guud ee taliska, isla markaana dhagaystay warbixinno ku saabsan hawlaha ciidanka iyo xaaladda guud ee qaybta.
Sarreeye Guuto Nimcaan Yuusuf Gaaxnuug ayaa sidoo kale booqday Cusbitaalka Ciidanka Qaranka ee Burco, halkaas oo uu indho-indheeyay qaybaha kala duwan ee cusbitaalka iyo adeegyada caafimaad ee ay helaan ciidamada.
Taliyaha ayaa sheegay in Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka ay ka go’an tahay horumarinta iyo tayaynta adeegyada caafimaad ee ciidamada, si loo xaqiijiyo inay helaan adeegyo caafimaad oo hufan.
Dhinaca kale, Taliyaha Ciidanka Qaranka ayaa kulan la yeeshay Guddida Nabadgelyada Gobolka Togdheer, iyagoo ka wada hadlay xoojinta nabadgelyada gobolka iyo sidii loo sii adkayn lahaa wada-shaqaynta Ciidanka Qaranka iyo hay’adaha amniga.
Kormeerka iyo kulamadan ayaa qayb ka ah hawlaha Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka ee la xidhiidha qiimaynta xaaladda ciidanka, adeegyada caafimaad iyo xoojinta wada-shaqaynta hay’adaha amniga ee gobolka.
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |


0 









