Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Qaabilay Ciyaartoydii Guulaha Ka Soo Hooyay Half Marathon-ka Hargeysa

Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland, Sarreeye Guuto Nimcaan Yuusuf Gaaxnuug, ayaa maanta Xafiiskiisa Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka ku qaabilay ciyaartoyda Kooxda Gaashaan ee Ciidanka Qaranka, kuwaas oo guulo ka soo hooyay tartankii Hargeysa International Half Marathon – 21KM.
Taliyaha ayaa ciyaartoyda ugu hambalyeeyay guulaha ay tartanka ka soo hooyeen, isagoo si gaar ah u bogaadiyay orodyahan Fu’aad Siciid, oo ku guulaystay kaalinta koowaad ee tartanka.
Sidoo kale, ciyaartoyda kale ee kooxda Gaashaan ayaa kaalmo sare ka galay tartanka, iyadoo raggu kala galeen kaalmaha 3aad, 4aad iyo 5aad, halka ciyaartoyda gabdhaha ah ee kooxda ay kala heleen kaalmaha 1aad iyo 2aad.
Taliyaha Ciidanka Qaranka ayaa sheegay in la sii horumarin doono ciyaaraha Ciidanka Qaranka, gaar ahaan waaxyaha iyo qaybaha kala duwan ee ciyaaraha, si loo kobciyo kartida ciyaartoyda loona helo natiijooyin wanaagsan mustaqbalka.
Ugu dambayn, Taliyaha ayaa ciyaartoyda u jeediyay dardaaran iyo dhiirrigelin, isagoo kula dardaarmay inay sii wadaan dadaalka iyo tababarka, si ay u gaadhaan guulo hor leh oo ay ku metelaan Ciidanka Qaranka iyo Somaliland.
Taliyaha ayaa sidoo kale ciyaartoyda uga mahadceliyay dadaalka ay muujiyeen iyo guusha ay u soo hoyeen Ciidanka Qaranka Somaliland.



0 





