Warbixin Cusub Oo Lagu Falanqeeyay Muhiimadda Istaraatiijiga Ah Ee Somaliland Iyo Dekedda Berbera

0
Friday October 02, 2026 - 20:25:18 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 67
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbixin Cusub Oo Lagu Falanqeeyay Muhiimadda Istaraatiijiga Ah Ee Somaliland Iyo Dekedda Berbera

    Sida lagu sheegay warbixinta, Somaliland iyo guud ahaan Geeska Afrika waxay ku yaallaan....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida lagu sheegay warbixinta, Somaliland iyo guud ahaan Geeska Afrika waxay ku yaallaan....



Warbixin cusub oo lagu baahiyay kanaalka Geography By Geoff ee dalka Maraykanka ayaa si gaar ah uga hadashay muhiimadda juqraafiyeed, dhaqaale iyo siyaasadeed ee Somaliland, iyadoo sidoo kale diiradda lagu saaray xidhiidhka istaraatiijiga ah ee Somaliland iyo Itoobiya iyo doorka Dekedda Berbera ay ku yeelan karto ganacsiga iyo isku-xidhka gobolka Geeska Afrika.

 

Warbixintu waxay sheegtay in xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya uu abuuri karo fursado dhaqaale iyo siyaasadeed oo labada dhinacba faa’iido u leh. Waxa kale oo lagu xusay suurto-galnimada in Itoobiya mustaqbalka si rasmi ah u aqoonsato Somaliland, taas oo haddii ay dhacdo, sida lagu sheegay warbixinta, noqon karta tallaabo diblumaasiyadeed oo muhiim ah marka loo eego dadaallada Somaliland ee ku aaddan aqoonsi caalami ah.

 

Sida lagu sheegay warbixinta, Somaliland iyo guud ahaan Geeska Afrika waxay ku yaallaan goob juqraafi ahaan iyo siyaasad ahaan muhiim ah, maadaama gobolka uu ku dhow yahay marinno-biyood muhiim u ah isku-xidhka Afrika, Bariga Dhexe, Yurub iyo Aasiya. Waxaa ka mid ah Gacanka Cadmeed, oo isku xidha Badda Cas iyo Badweynta Hindiya, iyo Marinka Bab-al-Mandab, oo ka mid ah marin-biyoodka muhiimka u ah isu-socodka ganacsiga caalamiga ah.

 

Warbixintu waxay sidoo kale tilmaantay in goobta istaraatiijiga ah ee Somaliland iyo xeebteeda ku taalla Gacanka Cadmeed ay muhiimad gaar ah u leeyihiin ganacsiga, gaadiidka badda iyo amniga gobolka. Dekedda Berbera ayaa lagu tilmaamay inay Itoobiya u noqon karto marin ganacsi oo muhiim ah, maadaama Itoobiya tahay dal aan lahayn xeeb iyo deked u gaar ah.

 

Geography By Geoff ayaa xustay in Berbera ay Itoobiya siin karto fursado ay ka mid yihiin helitaanka marin ganacsi oo dheeraad ah, yaraynta ku-tiirsanaanta dekedaha Jabuuti, iyo helitaanka waddo kale oo ay ku dhoofiso kuna soo dejiso badeecadaha. Waxa kale oo warbixintu sheegtay in iskaashiga dhinaca badda iyo horumarinta isku-xidhka ganacsi ee Somaliland iyo Itoobiya ay noqon karaan meelaha ay danaha labada dhinac ku kulmaan.

 

Dhinaca kale, warbixintu waxay sheegtay in xidhiidhka Itoobiya uu Somaliland u abuuri karo fursado dhaqaale oo ay ka mid yihiin maalgashi cusub, shaqo-abuur, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, korodhka ganacsiga gobolka iyo horumarinta isku-xidhka waddooyinka ee Somaliland iyo Itoobiya.

 

"Dhinaca siyaasadda, taageero rasmi ah oo ka timaadda Itoobiya waxay Somaliland u noqon kartaa arrin muhiim ah marka la eego dadaalkeeda aqoonsi caalami ah,” ayaa lagu yidhi warbixinta.


Loading...
Loading...