Wasiirka Xannaanada Xoolaha Oo Golaha Wasiirrada Ka Horjeediyey Qorshe Lagu Horumarinayo Dhoofka Xoolaha

0
Wednesday September 30, 2026 - 18:18:22 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 20
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Xannaanada Xoolaha Oo Golaha Wasiirrada Ka Horjeediyey Qorshe Lagu Horumarinayo Dhoofka Xoolaha

    Dr. Cumar Shucayb ayaa sheegay in Wasaaraddu si weyn u kordhisay adeegyada ,,,,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dr. Cumar Shucayb ayaa sheegay in Wasaaraddu si weyn u kordhisay adeegyada ,,,,



Hargeysa — Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland, Dr. Cumar Shucayb Maxamed, ayaa Golaha Wasiirrada la wadaagay warbixin ku saabsan korodhka weyn ee ku yimid dhoofka xoolaha iyo muhiimadda ay leedahay in la helo qorshe qaran oo dhamaystiran oo lagu horumarinayo waaxda xoolaha.

 

Wasiirka ayaa Golaha Wasiirrada u sheegay in loo baahan yahay Qorshe Qaran oo dhamaystiran oo lagu horumarinayo dhaqashada, caafimaadka, wax-soo-saarka iyo daryeelka xoolaha dalka, si loo waafajiyo baahiyaha sii kordhaya ee waaxda iyo suuqyada xoolaha.

 

Dr. Cumar Shucayb ayaa sheegay in Wasaaraddu si weyn u kordhisay adeegyada daaweynta iyo tallaalka xoolaha nool, gaar ahaan xanuunnada ku badan xoolaha, taas oo qayb ka ah dadaallada lagu ilaalinayo caafimaadka xoolaha iyo tayada xoolaha la dhoofiyo.

 

Waxa uu tilmaamay in ganacsiga xooluhu yahay laf-dhabarta dhaqaalaha Somaliland, isla markaana si toos ah u taabto nolosha qaybo badan oo bulshada ka mid ah. Sidaas darteed, ayuu sheegay in loo baahan yahay in dhaqashada xoolaha loo wajaho hab ka duwan qaabkii hore, iyadoo la adeegsanayo qorshe iyo nidaam casri ah.

 

Wasiirka ayaa sidoo kale hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in Somaliland si istiraatiiji ah ugu diyaar-garoowdo tartanka sii kordhaya ee suuqyada xoolaha iyo dhoofintooda, si loo xoojiyo tayada iyo tartanka xoolaha dalka.

 

Ugu dambayn, Dr. Cumar Shucayb ayaa si adag u soo jeediyey in si degdeg ah loo dhiso loona qalabeeyo Deked u gaar ah dhoofka xoolaha (Livestock Terminal) oo laga hirgeliyo Berbera, taas oo uu sheegay inay kor u qaadi karto tayada, hufnaanta iyo tartanka dhoofka xoolaha Somaliland.


Loading...
Loading...