Wasaaradda Beeraha Somaliland Oo Saadaalisay Roobab Ka Da'aya Gobollo Iyo Degmooyin Kala Duwan

0
Wednesday September 30, 2026 - 18:10:24 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 23
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Beeraha Somaliland Oo Saadaalisay Roobab Ka Da'aya Gobollo Iyo Degmooyin Kala Duwan

    Wasaaradda ayaa tilmaantay in roobabku ay meelo iyo waqtiyo kala duwan ka da'i karaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda ayaa tilmaantay in roobabku ay meelo iyo waqtiyo kala duwan ka da'i karaan



Hargeysa — Waaxda Saadaasha Hawada ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland ayaa soo saartay saadaasha roobabka xilliga Deyrta, kuwaas oo la filayo inay ka da’aan qaybo ka mid ah gobollada iyo degmooyinka Somaliland muddada u dhaxaysa 29-ka Sebtembar ilaa 5-ta Oktoobar 2026.

 

Sida lagu sheegay saadaasha Wasaaradda, roobab ayaa laga filayaa magaalooyinka iyo deegaanada Burco, Ceel-Afweyn, Oodweyne, Hargeysa, Gabiley, Laascaanood, Taleex iyo Baki.

 

Waaxda Saadaasha Hawada ayaa sheegtay in qiyaasta roobabka meelaha qaarkood ay gaadhi karto 40 ilaa 50 millimitir, halka deegaanada kale laga filayo roobab u dhexeeya 20 ilaa 30 millimitir.

 

Wasaaradda ayaa tilmaantay in roobabku ay meelo iyo waqtiyo kala duwan ka da’i karaan muddada saadaashu khusayso, sidaas darteedna ay muhiim tahay in bulshada, beeralayda iyo xoolo-dhaqatadu ay si joogto ah ula socdaan wararka iyo digniinaha cusub ee Waaxda Saadaasha Hawada.

 

Wasaaradda Horumarinta Beeraha ayaa sidoo kale bulshada kula talisay inay taxaddar muujiyaan, gaar ahaan meelaha ay suuragalka tahay inay ka dhacaan daadad ama biyo-mareenno, isla markaana ay raacaan talooyinka iyo digniinaha rasmiga ah ee laamaha ay khusayso.

 

Saadaashan ayaa qayb ka ah xogaha ay Waaxda Saadaasha Hawadu soo saarto si bulshada loogu wargeliyo xaaladaha cimilada iyo roobabka la filayo xilliga Deyrta.


Loading...
Loading...