Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Oo Tababar U Furtay Agaasimayaasha Qorshaynta Ee 11 Hay'adood

0
Wednesday September 30, 2026 - 17:18:21 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 43
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Oo Tababar U Furtay Agaasimayaasha Qorshaynta Ee 11 Hay'adood

    Ujeeddada tababarka ayaa ah in la kobciyo awoodda hay'adaha dawladda ee ku aaddan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ujeeddada tababarka ayaa ah in la kobciyo awoodda hay'adaha dawladda ee ku aaddan



Hargeysa — Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Somaliland, Maxamed Xasan Saleebaan, ayaa tababar u furay Agaasimayaasha Waaxyaha Qorshaynta ee 11 hay’adood oo ka tirsan dawladda Somaliland.

 

Tababarka oo lagu qabtay Hoolka Shirarka Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda ayaa diiradda lagu saaray Culuumta Qiimaynta iyo Dabagalka (Monitoring and Evaluation Skills), gaar ahaan sidii loo xoojin lahaa aqoonta iyo xirfadaha masuuliyiinta ka qaybgalaya tababarka ee la xidhiidha qiimaynta iyo dabagalka qorshayaasha iyo hawlaha ku jira Qorshaha Horumarinta Qaranka Saddexaad (NDPIII).

 

Ujeeddada tababarka ayaa ah in la kobciyo awoodda hay’adaha dawladda ee ku aaddan samaynta qiimayn iyo dabagal hufan, nidaamsan oo xirfadeysan, si loo hubiyo in hawlaha iyo mashaariicda ku xusan NDPIII si joogto ah loola socdo, loona qiimeeyo natiijooyinkooda.

 

Sidoo kale, tababarka ayaa lagu doonayaa in lagu horumariyo habka loo helo xog sax ah oo lagu saleeyo go’aannada iyo qorsheyaasha horumarineed ee hay’adaha dawladda.

 

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda ayaa ka qaybgalayaasha kula dardaarmay inay si wanaagsan uga faa’iidaystaan tababarka, isla markaana aqoonta iyo xirfadaha ay ka korodhsadaan ay uga faa’iideeyaan hay’adahooda.

 

Waxa uu sidoo kale ku boorriyay masuuliyiinta inay ka shaqeeyaan xoojinta nidaamka qiimaynta iyo dabagalka qorshayaasha qaranka, si loo helo xog iyo qiimayn joogto ah oo gacan ka geysata hirgelinta qorshayaasha horumarineed.


Loading...
Loading...