KULMIYE Oo Difaacay Aqoonsiga Somaliland Ee Israa'iil

0
Monday September 28, 2026 - 20:57:03 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 76
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    KULMIYE Oo Difaacay Aqoonsiga Somaliland Ee Israa'iil

    Faysal Cabdiraxmaan Madar ayaa sidoo kale sheegay in go'aanka ku saabsan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faysal Cabdiraxmaan Madar ayaa sidoo kale sheegay in go'aanka ku saabsan



Hargeysa — Xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE ayaa sheegay inuu taageersan yahay aqoonsiga ay Somaliland ka heshay Israa’iil dhammaadkii 2025, isagoo ku tilmaamay aqoonsigaasi mid aan gorgortan geli karin.

 

Xoghayaha Guud ee Xisbiga KULMIYE, Faysal Cabdiraxmaan Madar, oo shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa, ayaa sheegay in xisbigoodu taageerayo aqoonsiga Somaliland, isla markaana uu garab istaagi doono aqoonsi kasta oo dal kale uu Somaliland siiyo.

 

Faysal Cabdiraxmaan Madar ayaa sidoo kale sheegay in go’aanka ku saabsan jiritaanka Somaliland uu yahay mid uu leeyahay shacabka Somaliland, isla markaana, sida uu hadalka u dhigay, aan cid kale waxba ka beddeli karin.

 

"Xisbiga KULMIYE waxa uu mar kale caddaynayaa in aqoonsiga Somaliland ka heshay Israa’iil uu yahay mid aan marnaba gorgortan gelayn waana taageersannahay. Go’aanka jiritaankuna waa mid aan ka noqosho lahayn oo cidina aanay waxba ka beddeli karin,” ayuu yidhi Xoghayaha Guud ee KULMIYE, Faysal Cabdiraxmaan Madar.

 

Waxa uu sidoo kale dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay aqoonsato Somaliland, isaga oo sheegay in ay weli haysato fursad ay ku qaadi karto tallaabadaas. Waxa kale oo uu dalalka jaarka ugu baaqay inay taageeraan oo ay aqoonsadaan Somaliland.

 

Hadalladan ayaa kusoo beegmaya iyadoo aqoonsiga iyo mustaqbalka siyaasadeed ee Somaliland ay yihiin arrimo ay si kala duwan uga hadlaan dhinacyada siyaasadeed ee Somaliland iyo dowladda Soomaaliya.


Loading...
Loading...