Guddida Wakiillada Oo Komishanka Xuquuqal Insaanka Kala Hadashay Shaqada Iyo Waajibaadka
Hargeysa — Guddida Garsoorka, Caddaaladda, Shuruucda iyo Xuquuqda Aadamaha ee Golaha Wakiillada Somaliland ayaa kulan la yeeshay Komishanka Xuquuqal Insaanka Qaranka, kaas oo lagaga hadlay shaqada, waajibaadka iyo waxqabadka Komishanka.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray hawlaha Komishanka iyo doorka uu ku leeyahay ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda aadanaha, iyadoo guddidu ay masuuliyiinta Komishanka waydiisay su’aalo la xidhiidha shaqadooda iyo waajibaadka loo igmaday.
Masuuliyiinta Komishanka Xuquuqal Insaanka ayaa dhinacooda guddida ka siiyay jawaabo iyo xog ku saabsan hawlaha ay hayaan iyo qaabka ay u fuliyaan waajibaadkooda la xidhiidha ilaalinta xuquuqda aadanaha.
Ugu dambayn, labada dhinac ayaa ku heshiiyey in la xoojiyo wada-shaqaynta iyo isku-xidhka hay’adaha, si loo dardargeliyo hawlaha la xidhiidha caddaaladda, shuruucda iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha.


0 





