Madaxwaynaha Somalilad Oo Tacsi Udiray Ehelkii Uu Ka Baxay Marxuum Cabdilaahi Xaaji Jaamac

0
Saturday August 10, 2019 - 11:07:39 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1274
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwaynaha Somalilad Oo Tacsi Udiray Ehelkii Uu Ka Baxay Marxuum Cabdilaahi Xaaji Jaamac

    Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun

Xafiiska Af-hayeenka Madaxweynaha JSL

Taariikh: 09/08/2019

TACSI MADAXWEYNE

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

 

 

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku simaha madaxweynaha Qaranka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdilaahi Xaaji Jaamac Cali oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 09/08/2019, dalka Malaysiya. 

 

 

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu marxuumka ku sifeeyey dhaqaale yahan ka baxay shacbiga iyo qaranka Somaliland, gudoomiyena ka soo noqday baanka dhexe ee Somaliland.

 

 

Waxaanu ku simaha Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. 

 

 

 

 

 

 

ALLAA MAHAD LEH 

 

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

--
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...