Agaasimaha Warfaafinta JSL Oo Ka Hadlay Shir Lagu Dhawaaqay Oo Lagu Qabanayo Boorama
Hargeysa — Agaasimaha Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, Cabdisalaan Maxamuud Ilkacase, ayaa sheegay in Wasaaraddu aanay wax xog ah ka hayn shir ay ku dhawaaqeen xubno ka tirsan saxaafadda Somaliland, kaas oo la sheegay in lagu qabanayo magaalada Boorama ee gobolka Awdal.
Agaasimaha ayaa sheegay in Wasaaradda Warfaafintu aanay wax xog ah ka hayn ujeeddada shirka iyo sababta gobolka Awdal loogu doortay goobta lagu qabanayo, isaga oo caddeeyey in aanu jirin shirweyne ka horreeya Shirweynaha SOLJA oo oggolaansho ka haysta Wasaaradda.
Cabdisalaan Maxamuud Ilkacase ayaa sidoo kale sheegay in Wasaaradda Warfaafintu aanay wax masuuliyad ah ku lahayn shirkaasi, isla markaana aanay jirin wax oggolaansho ah oo ay Wasaaraddu siisay.
"Wasaaraddu waxba kalama socoto shirka ay ku dhawaaqeen xubno ka tirsan saxaafadda Somaliland, wax xog ahna kama hayso ujeeddada shirkaas iyo sababta gobolka Awdal loogu doortay qabsoomidiisa. Ma jiro shirweyne ka horreeya Shirweynaha SOLJA oo oggolaansho ka haysta Wasaaradda Warfaafinta,” ayuu yidhi Agaasimaha.
Waxa uu intaas ku daray: "Waxaan caddaynaynaa in aanay wax masuuliyad ah ku lahayn shirkaas lagu dhawaaqay oo aanu jirin oggolaansho Wasaaraddu siisay.”


0 





