Wasiirka Xannaanada Xoolaha Oo Shacabka Somaliland Uga Digay Cudurka Reebiska
Hargeysa — Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland, Cumar Shuceyb, ayaa shacabka uga digay cudurka Reebiska (Rabies), isaga oo sheegay in uu ka mid yahay cudurrada halista ah ee dilka keeni kara.
Wasiirka oo ka hadlayay munaasabadda xuska Maalinta Caalamiga ah ee Cudurka Reebiska ayaa tilmaamay in cudurkani yahay mid khatar ah oo ku dhaca xoolaha iyo xayawaanka, isla markaana u gudbi kara dadka.
Cumar Shuceyb ayaa sheegay in Reebisku aanu lahayn daawo marka calaamadaha cudurku soo baxaan, balse uu leeyahay tallaabooyin iyo habab looga hortagi karo, isaga oo shacabka Somaliland ugu baaqay inay si gaar ah uga feejignaadaan.
"Xanuunka Reebisku waxa uu ka mid yahay xanuunnada dilaaga ah ee khatarta ah, haddii uu soo baxana aan daawo lahayn, laakiin laga hortagi karo, wuxuuna qofka gelin karaa xaalad halis ah,” ayuu yidhi Wasiir Cumar Shuceyb.
Waxa uu intaas ku daray in cudurku uu iskaga gudbi karo dadka, xayawaanka iyo xoolaha, sidaas darteedna loo baahan yahay in bulshada ay qaadato taxaddar dheeraad ah, isla markaana ay feejignaan ka muujiso xayawaanka looga shakiyo cudurka.
Wasiirka ayaa bulshada ku boorriyay inay muhiimad siiyaan ka-hortagga cudurka iyo wacyigelinta bulshada, si loo yareeyo khatarta uu Reebisku ku keeni karo caafimaadka dadka iyo xoolaha.


0 





