Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Oo Bangiyada Kala Hadashay Maalgelinta Waaxda Xoolaha
Hargeysa — Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland ayaa kulan la yeelatay bangiyada ka hawlgala Somaliland, kaas oo looga hadlay xoojinta maalgelinta iyo adeegyada maaliyadeed ee lagu taageerayo waaxda xoolaha.
Kulanka oo uu shir-guddoominayay Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga, Cumar Shucayb Maxamed, ayaa diiradda lagu saaray sidii xoolo-dhaqatada, ganacsatada iyo iskaashatooyinka xooluhu u heli lahaayeen fursado maalgelin iyo adeegyo bangi oo ku habboon baahidooda.
Wasaaradda ayaa sheegtay in maalgelinta iyo adeegyada maaliyadeed ee ku habboon baahiyaha dadka ku hawlan xooluhu ay muhiim u yihiin kor u qaadista wax-soo-saarka, kobcinta ganacsiga iyo horumarinta guud ee waaxda xoolaha.
Sidoo kale, kulanka waxaa lagaga wada hadlay ka-qaybgalka bangiyada ee Carwada Ganacsiga Xoolaha 2026, taas oo la filayo inay xoojiso isku-xidhka hay’adaha maaliyadeed, ganacsatada iyo maalgashadayaasha ku hawlan waaxda xoolaha.
Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ayaa kulanka ku tilmaantay tallaabo lagu fududaynayo helitaanka maalgelinta iyo ballaadhinta adeegyada maaliyadeed ee loo fidiyo xoolo-dhaqatada iyo ganacsatada, si loo kobciyo maalgashiga iyo horumarinta waaxda xoolaha.


0 





