Wasiirka Ganacsiga JSL Oo Ka Hadlay Muhiimadda Wada-shaqaynta Garsoorayaasha
Hargeysa — Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland, Cabdiraxmaan Xasan Nuur, ayaa sheegay in garsoorku yahay shaqo culus oo u baahan dadaal, wada-shaqayn iyo is-dhaafsi khibradeed oo joogto ah.
Wasiirka ayaa xusay in Ururka Garsoorayaashu uu door muhiim ah ka qaadan karo xalinta caqabadaha iyo horumarinta arrimaha la xidhiidha garsoorka, isaga oo tilmaamay in wada-shaqaynta garsoorayaashu ay muhiim u tahay xoojinta nidaamka caddaaladda.
Cabdiraxmaan Xasan Nuur ayaa sheegay in garsoorayaashu maalin kasta gacanta ku hayaan kiisas kala duwan oo xambaarsan arrimo badan, kuwaas oo mararka qaarkood u baahan wada-tashi iyo in si wadajir ah looga arrinsado.
Waxa uu intaas ku daray in is-dhaafsiga khibradaha iyo wada-shaqaynta garsoorayaashu ay gacan ka geysan karaan sidii loo horumarin lahaa habka loo maareeyo kiisaska kala duwan, loona xoojin lahaa hannaanka caddaaladda.
"Garsoorku shaqo culus oo aad u mashquul badan ayuu hayaa. Maalin walba kiisas ayaa laga garnaqayaa, kiisaskaasna masaa’il fara badan ayaa ku jira oo u baahan mararka qaarkood in la iskaga yimaado. Ururka Garsoorayaashuna wax badan ayuu ka tari doonaa,” ayuu yidhi Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL, Cabdiraxmaan Xasan Nuur.


0 





