Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Oo Shaaciyey In Dhawaan La Daahfuri Doono Machadka Tababarka Garsoorayaasha
Hargeysa — Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali, ayaa sheegay in dhawaan si rasmi ah loo daahfuri doono Machadka Tababarka Garsoorayaasha, kaas oo uu sheegay in hawshiisu socoto, isla markaana dhulkii laga hirgelin lahaa la helay.
Guddoomiyaha ayaa xusay in machadku door muhiim ah ka qaadan doono horumarinta iyo tayeynta garsoorka Somaliland, gaar ahaan tababarka iyo kor u qaadista aqoonta garsoorayaasha.
"Waxaan dhawaan daahfuri doonaa Machadka Tababarka Garsoorayaasha oo hore waan u tababari jirnay, laakiin machadkaas waa lagu dhawaaqi doonaa, dhulkiisana waa la soo helay,” ayuu yidhi Garyaqaan Aadan Xaaji Cali.
Dhanka kale, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa sheegay in la soo gebagebeeyey Xeerka Xuquuqda, isaga oo xusay in toddobaadkan ama toddobaadka xiga uu u gudbin doono Shir-guddoonka Golaha Wakiillada.
"Waxa kale oo aan idin sheegayaa Xeerkii Xuquuddu isna wuu dhamaystirmay, toddobaadkan ama ka dambe Shir-guddoonka ayaan gacanta ka gelin doonaa,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.
Labadan arrimood ayaa qayb ka noqonaya hawlaha lagu horumarinayo hay’adaha garsoorka iyo xeerarka la xidhiidha xuquuqda, sida uu sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.


0 





