Guddoomiyaha Imtixaanaadka Qaranka Oo Ka Digay Arday Jaamacad Dhammaystay Iyadoo Aan Soo Marin Dugsiga Dhexe Iyo Sare

0
Wednesday September 23, 2026 - 22:03:25 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 38
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Imtixaanaadka Qaranka Oo Ka Digay Arday Jaamacad Dhammaystay Iyadoo Aan Soo Marin Dugsiga Dhexe Iyo Sare

    Daa'uud Gadhwayne ayaa sheegay in arrintan loo baahan yahay in wax laga ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Daa'uud Gadhwayne ayaa sheegay in arrintan loo baahan yahay in wax laga ....



Hargeysa — Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Somaliland, Daa’uud Axmed Faarax "Gadhwayne”, ayaa sheegay in xafiisku wajahayo caqabad uu ku tilmaamay mid weyn, taas oo la xidhiidha arday uu sheegay inay jaamacado dhammaysteen iyaga oo aan soo marin heerarkii waxbarasho ee dugsiga dhexe iyo dugsiga sare.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in xafiiska ay la soo xidhiidheen xaalado uu ku tilmaamay kuwo aan waafaqsanayn nidaamka waxbarashada, iyadoo qaar ka mid ah ardaydaasi ay jaamacad dhammaysteen, balse markii dambe doonaya in loo soo saaro shahaado dugsi sare.

Daa’uud Gadhwayne ayaa sheegay in arrintan loo baahan yahay in wax laga qabto, isaga oo sidoo kale ugu baaqay jaamacadaha uu sheegay inay ku lug leeyihiin xaaladaha noocaas ah inay ka waantoobaan.

"Markaa Ilaahay ka baqno. Dhibta ugu weyn ee Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka haysataa waxa weeye arday aan dugsi dhexe iyo dugsi sare midna soo dhigan, haddana jaamacadihii dhamaystay, ka ugu sokeeyaana Semester 8 ama 9 marayo,” ayuu yidhi Guddoomiyaha.

Waxa uu sheegay in marka ardaygaasi laga dalbado shahaadada dugsiga sare uu sheego inuusan soo dhigan dugsiga dhexe iyo sare, balse uu haddana jaamacad galay oo uu halkaasi waxbarasho ka sii waday.

"Jaamacaduhu ma sina, cidna magacaabi mayno, laakiin diiwaanka waa hayaa. Haddii ay sii socoto waxaasina waa la shaacin doonaa, waana in aan wax ka qabanno,” ayuu hadalkiisa ku daray Daa’uud Axmed Faarax "Gadhwayne”.

Guddoomiyaha ayaa ugu dambayn carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la ilaaliyo nidaamka iyo shuruudaha waxbarashada, si loo hubiyo in shahaadooyinka waxbarasho lagu bixiyo hannaan waafaqsan heerarka iyo xeerarka jira.


Loading...
Loading...