Kooxda Fanka Ciidanka Qaranka "Gaashaan" Oo Wacyigelin Ka Wadda Jiidaha Hore Ee Aagga Bari
Laascaanood — Kooxda Fanka Ciidanka Qaranka Somaliland ee Gaashaan ayaa toddobaadyadii u dambeeyay barnaamijyo isugu jira wacyigelin, waano iyo tilmaamo ciidan ka waday fadhiisimada Ciidanka Qaranka ee jiidaha hore ee aagga bari.
Kooxdan oo gudanaysa waajibaadkeeda ciidan, isla markaana fulinaysa amarka Taliyaha Guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland, Sareeye Guuto Nimcaan Yuusuf Cismaan, ayaa booqatay fadhiisimada ciidamada ee Buqdharkayn iyo Saliinta Tukaraq, halkaas oo ay askarta ugu soo bandhigtay barnaamijyo faneed xambaarsan farriimo ku saabsan waajibaadka askariga, akhlaaqda wanaagsan iyo ku dhaqanka diinta suubban.
Barnaamijyada ay kooxda Gaashaan u qabatay ciidamada ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray muhiimadda ay leedahay in askarigu ilaashado anshaxa iyo akhlaaqda wanaagsan, fahmo waajibaadkiisa ciidan, isla markaana ku sifoobo masuuliyad, daacadnimo iyo u heellanaanta difaaca qaranka.
Gaashaanle Sare Axmed Cabdi Cumar oo socdaalka kooxda ku wehelinayay ayaa ciidamada ku boorriyey inay si wanaagsan uga faa’iidaystaan nuxurka barnaamijyada wacyigelinta, isla markaana ay dhegaystaan fariimaha iyo tilmaamaha loogu talagalay kor u qaadista fahamka iyo anshaxa askarinimo.
Taliyaha Kooxda Fanka Ciidanka Qaranka ee Gaashaan, Dhamme Axmed Cabdillaahi Wacays, ayaa sheegay in socdaalka ay ku tageen jiidaha hore uu qayb ka yahay gudashada waajibaadkooda ciidan. Waxa uu sheegay in kooxda Gaashaan ay diyaar u tahay inay gaadho ciidamada qaranka meel kasta oo ay ku sugan yihiin.
Dhamme Wacays ayaa tilmaamay in kooxdu doonayso inay gaadho halka uu askariga ugu horreeya kaga jiro gudashada waajibaadka difaaca qaranka, isaga oo xusay in Gaashaan ay mar walba u taagan tahay wacyigelinta, tilmaamidda iyo kor u qaadista garaadka iyo fahamka ciidamada.
Waxa uu sidoo kale sheegay in socdaalkani aanu ahayn kii ugu horreeyay ee kooxda Gaashaan ay ku tagto jiidaha hore, isla markaana aanu noqon doonin kii ugu dambeeyay, isagoo caddeeyay in kooxdu sii wadi doonto barnaamijyadeeda wacyigelinta ee ciidamada.
Dhanka kale, Taliyaha Aagga Bari ee Ciidanka Qaranka Somaliland, Gaashaanle Sare Maxamed Cabdi Cabdulle, ayaa kooxda Gaashaan ku bogaadiyey barnaamijyada ay ciidamada ugu yimaadeen, isaga oo sheegay in wacyigelinta, waanada iyo hogga-tusaalayntu ay muhiim u yihiin ciidamada.
Taliyaha ayaa ciidamada ku dardaaray inay si dhab ah u qaataan fariimaha, waanada iyo tilmaamaha lagu xoojinayo gudashada waajibaadka ciidan, akhlaaqda iyo masuuliyadda askarinimo.
Barnaamijyada fanka iyo wacyigelinta ee kooxda Gaashaan ay ku soo bandhigtay fadhiisimada jiidaha hore ayaa xoogga saaray astaamaha lagu garto askariga wanaagsan, iyadoo farriimaha lagu gudbinayay hab faneed iyo wacyigelin isku dhafan oo ay ciidamada soo dhaweeyeen.


0 





