Dadweynaha Gebiley Oo Isu-soo Bax Ku Muujiyey Taageerada Qaddiyadda Somaliland Iyo Safarka Madaxweyne Cirro
Gebiley — Dadweynaha magaalada Gebiley ayaa isu-soo-bax ballaadhan ku muujiyey taageerada ay u hayaan qaddiyadda aqoonsiga Somaliland iyo safarka Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) uu ku joogo dalka Maraykanka.
Guddoomiyaha Gobolka Gebiley, Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), oo ka hadlay isu-soo-baxa ayaa sheegay in ujeeddada munaasabaddani tahay in beesha caalamka loo muujiyo sida ay bulshada Somaliland uga mideysan tahay doonista aqoonsi caalami ah.
"Somaliland ha guulaysato. Maanta waxaan halkan taageero uga muujinaynaa Madaxweynaha Qaranka JSL, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo waftigiisa uu hoggaaminayo oo maanta ku sugan magaalada New York ee dalka Maraykanka,” ayuu yidhi Ramaax.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in isu-soo-baxa Gebiley uu yahay farriin loo dirayo beesha caalamka, taas oo muujinaysa in qaddiyadda Somaliland aysan ku koobnayn shaqsi ama koox gaar ah, balse ay tahay arrin ay taageerayaan qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland.
"Qaddiyaddani ma aha mid qof doonayo, ee waa qaddiyad qaran oo ummadda reer Somaliland oo dhammi ka midaysan tahay. Waa in aynu tusno caalamka sida aynu uga mideysan nahay,” ayuu yidhi Guddoomiye Ramaax.
Isu-soo-baxa ayaa ku soo beegmaya xilli Madaxweyne Cirro iyo wefti uu hoggaaminayo ay ku sugan yihiin magaalada New York, halkaas oo ay ka socdaan kulamo iyo hawlo diblomaasiyadeed oo la xidhiidha xiriirka Somaliland iyo beesha caalamka.


0 





