Guddoomiyaha Togdheer Oo Kormeeray Afar Cusbitaal, Sheegayna In Adeegyada Caafimaadku Si Wanaagsan U Socdeen

0
Wednesday September 23, 2026 - 21:47:15 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 18
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Togdheer Oo Kormeeray Afar Cusbitaal, Sheegayna In Adeegyada Caafimaadku Si Wanaagsan U Socdeen

    Guddoomiye Maxamuud Xasan Saleebaan ayaa sheegay in dhammaan afarta cusbitaal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiye Maxamuud Xasan Saleebaan ayaa sheegay in dhammaan afarta cusbitaal


Burco — Guddoomiyaha Gobolka Togdheer, Maxamuud Xasan Saleebaan (Doob), oo ay weheliyaan Guddoomiye-ku-xigeenka Gobolka iyo Taliyaha Booliska, ayaa kormeer ku tagay afar ka mid ah cusbitaallada magaalada Burco.

Cusbitaallada uu Guddoomiyuhu kormeeray ayaa kala ah Cusbitaalka Guud, Maandhayaha, Al-Khaliifa iyo Manhal, iyadoo ujeeddadu ahayd in la qiimeeyo sida ay xarumahaasi u shaqaynayaan iyo adeegyada caafimaad ee ay bulshada u hayaan.

Guddoomiye Maxamuud Xasan Saleebaan ayaa sheegay in dhammaan afarta cusbitaal ay si habsami leh u shaqaynayeen, isaga oo xusay in bukaannada iyo agaasimayaasha uu la hadlay ay xaqiijiyeen in adeegyada caafimaad si wanaagsan bulshada loo gaadhsiinayo.

"Dhammaan afarta cusbitaal way shaqaynayeen, si habsami lehna bay u shaqaynayeen. Bukaannadii iyo agaasimayaashii aanu waraysanay dhammaantood waxay noo sheegeen in cusbitaalladu si habsami leh bulshada ugu adeegayaan,” ayuu yidhi Guddoomiye Maxamuud Xasan Saleebaan.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in uu horey kormeer ugu soo maray 13-ka degmo ee Gobolka Togdheer, halkaas oo uu tilmaamay in xarumaha caafimaadka iyo MCH-yadu ay si joogto ah u shaqaynayeen.

Kormeerkan ayaa qayb ka ah hawlaha maamulka gobolka uu ku eegayo xaaladda adeegyada bulshada, gaar ahaan caafimaadka iyo sida xarumaha caafimaadku u gudanayaan waajibaadkooda.



Loading...
Loading...