Hororaa Ciyaayo,Hasheenii Irmaanayd,U Soo Haliiilaaya, Hareeraha Ka Joogsadoo, Hoosadeenan Ilaashada.
Hasha Ii Irmaan,Hoosada Berbera,
Habaarkoodu Kuma Karayo
1-Habar Iyo Habeenkeeda,
Heegan Adag Ha Loo Diro,
Haladaadin Gelinaynino,
Habeen Iyo Dharaartiiba,
Hubsanaaya Ruux Gelaya.
2-Hawadeeno Iyo Ciidan,
Hawlkaraano Foojigan,
Hubka Kiisa Ugu Wacan,
Haysta Oo Yaqaanoon,
Hagranayninba Badan.
3-Hoosadu Maaha Tii Hore,
Aduunka Isku Haystoon,
Hadeertuun Ogaadayoo,
Halkan Ay Ku Taalo Iyo,
Diidan Horu Markenaba.
4-Hoosaasin Mooyaane,
Hujuun Kuma Dhacayan,
Hilaab Xumaha Xamare,
Xuubcaaro Soo Dirayo,
Xoog Saara Gelistooda.
Ismail Handuleh.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!


0 





