Sifooyinka Siyaasiga iyo Saameynta Siyaadda Wasiir Ahmed M. Seed? Qalinkii: Abdirashiid Yoonis Hagar.
Waxaan is dul taagayaa qof noocee ah ayay reer Somaliland ka aaminsan yihiin Wasiir Seed maxaase lagu xasuusan doonaa marka uu ka dago jagada Wasiirnimo ee uu haatan hayo. Waxan ku eegeynaa qodobadan soo socda:
1- Wasiir Seed waa boog madow oo ku taala qaranka JSL
2- Wasiirku wuxuu ku mashquulsan yahay khilaafka iyo iska horkeenka Beelaha walaalaha ah ee deegaanku mideeyey.
3- Kicinta shacabka iyo Dawlada oo uu mar kasta isku dayo in uu fashiliyo xukuumada ugubka ah ee sanad jirsatey ee JSL.
4- Fashilkii wax soo saarkii iyo balan qaadyadii madaxweyne Biixi wakhtigii ololaha lagu jirey oo ahayd in cuntada dalku iskaga filnaan doono sanadka ugu horeysa 30% balse taasi dhicisowdey iyada oo masuulayadeeda uu leeyahay Wasiir Seed.
5- Qancinta iyo cadaalad u helida Beelaha Habar Cafaan oo uu sii kala kexeeyey maantana maraya heerkii ugu hooseysey abid, waxaana Beesha yimid kala shiki iyo kalsooni daro uu aabo u yahay Wasiir Seed.
Hadaba akhriste qodobadaas aan kor ku xusney waxaa ku sifoobey Wasiirkii ugu tamarta daran xukuumada Muuse Biixi Cabdi. Wasiirku waxaa uu markasta ku mashquulsan yahay siduu saaxaafda u marin lahaa hadal iyo wax qabad been abuur ah oo lagu marin habaabinayo Shacab JSL.
Mudane Madaxweyne waxaan ka codsanaynaa in aad u hiiliso Wasaraada Horumarinta Beeraha oo ku fashilantay shaqadii aad u igmatey Wasiirku wuxuu ku mashquulsan yahay Shir doceeedyo uu la galo beesha uu ka soo jeedo isaga oo gabi ahaanba dayacey shaqadii Wasaraada.
Mudane Madaxweyne waa in aad u soo xushaa Wasaarada Beeraha Shakhsi samata bxin kara Wasaraadda Beeraha una soo celiya sumcadii ay ku lahayd qaranka JSL. Sidoo kale waxaan kula wadaagi doonaa xogaha dhabta ah ee Wasiir Seed qormooyinka kan ku xiga INSHA ALLAH.
Qalinkii: Abdirashiid Yoonis Hagar
Qormaddii 2aad
La soco qeybaha kale
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!


0 





