Madaxweyne Cirro Wuxuu Wada Hadashiiyey Ilbaxnimooyin Kala Fogaa.

Taariikh Waxaa Dunida Soo Martay Ay Ilbaxnimooyinka Carabtii Hore Iyo Reer Binu Isreal Iyo Romaniska Wada Noolaasho Ka Dhexeeyey Iyo Isku Dhafnaan La Isku Dhexnoolyey. Waxaa Ka Dambaysay Oo Dunida Soo Martay Waqtigii Nebi Mohamed(CSW) Soo Baxay Ee Diinta Islaamku Ka Bilaabantay Khaliijal Carab Isagoo Nebi Mohamed ( Csw) Hogaaminaya Islaamka Diintana Fidinayey Oo Dadka Nooc Kasta U Ban Dhigayey. Waxaa Jirtay Waxaa Jirtay Isku Dhex Noolaasho Reer Binu Isreal Iyo Carabtii Khaliijka Inay Taam Ahayd Oo Magaalooyinka Iyo Miyiga Wada Deganaayeen , Wada Dhaqmi Jireen, Wax Kala Iibsanjireen, Kala Guursan Jireen Hadh Iyo Habeen Wada Sheekaysan Si Rasmi Ah Iyo Si Caadiya Ahba.
Madaxweyne Cirro Tiibuu Dib Usoo Nooleeyey Oo Bilaabay Waakaa Reer Binu Isreal Xidhiidh Rasmi Ah La Galay,Wakaa Romaniskii La Xidhay Ee Maraykan Iyo Reer Yuruba Ay Wada Sheekeysanayaan Ee Ay Soo Dhoweynaan Talaabada Aan Weligeed Madax Soomaaliyeed Hore U Qaadin. Masar Talaabadan Wey Qaaday Waqtigii Anwar Saadaat, Urdun Weyqaaday Talaabadan Cirro Qaaday, Morocco Wey Qaaday, Sucuudigu Si Dhuumaalaysi Oo Dhabarku Muuqduu U Qaaday Talaabadan Cirro Qaaday.
Inagu Somaliland Ahaan Waxaynu Nahay Qabiil Ku Muwaadin Somalida Kalena Waa Inagala Mid Arintaas. Marka Nin Ay Isku Reer Yihiin Madaxweyne Noqdo Qofku Ama Qabiilku Waa Muwaadin Marka Nin Reer Kale Ahi Madaxweyne Noqdana Waa Mucaarid Kakan . Fikirka Somalilander Maanta Halkaas Buu Marayaa Laakiin Mid Aan Ay Reer Somaliland Dheer Yihiin Soomaalida Kale Ayaa Jirta Taasoo Reer Somaliland Ay U Dhisantay WAXA LA YIDHAA DAWLA CAMIIQA OO AY SHOOKAANTA U HAYAAN ODAYAASHA DHAQANKA, CULIMADA,TIJAARTA IYO INDHEER GARADKA . MADAXWEYNAYAASHA SOMALILAND SOO MARAY WAXAA U MADAX ADKAA MD Muuse Biixi Kasoo Dad Badani Qalad Ka Fahmeen Laakiin Ah Nin Wadani Ah, Halgamaa Ah Qiimo Aad U Badan Oon Dad Badani Fahmin Leh. Taladaa Camiiqa Ahi Waa Ta Keentay Inuu Wadanka Badbaadiyo Oo Doorasho Qabto Oo Cirro Oo Ay Hoos Usii Saaxiib Yihiin Ku Wareejiyo Imikana Si Bay Wax U Wada Wadaan.
Arin Carabtu Fahantay Beri Hore Oo Ay Danaysteen Reer Binu Isreal Iyo Reer Galbeedka La Walaaloobeen Ayuu Cirro Famay Dabadeed Intuu Iyagii Iska Baal Maray Ayuu Qiimaha Somaliland U Leedahay Xagga Fikirka Iyo Itijaaha (Direction)Dunidu U Socdo Toos Ugu Baydhay. Wadadaa Cirro Maray Ayey Dawladaa Yaryari Dhowaan Soo Marayaa Iyagoo Somalia Ku Jirto. Dhowaan Somalia Qasab Bay Ku Noqonaysaa Inay Somaliland Ictiraafaan.
Wa Billaahi Tawfiiq.
MOHAMED ALI (BUURDHEGEYSTE)
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!


0 





