Somaliland iyo Taiwan Oo Furay Beerta Tijaabada iyo Tababarka Beeraha

Hargeysa – Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland iyo Taiwan Technical Mission ayaa si rasmi ah u furay Beerta Tijaabada iyo Tababarka Beeraha, taas oo qayb ka ah mashruuca horumarinta wax-soo-saarka abuurka.
Munaasabadda furitaanka waxaa ka qayb galay Wasiirka Horumarinta Beeraha Somaliland, Aadan Geeddi Qayaad, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Cabdirisaaq Axmed Gaas, Safiirka Taiwan ee Somaliland, Allen Lou, iyo masuuliyiin kale oo ka kala socday Wasaaradda Beeraha iyo Taiwan Technical Mission.
Beertan ayaa loogu talagalay inay noqoto goob ay beeralayda, khubarada, shaqaalaha fidinta beeraha iyo ardayda jaamacaduhu ku bartaan kuna tijaabiyaan hababka casriga ah ee beerashada, maaraynta dalagyada iyo wax-soo-saarka abuur tayo leh.
Sidoo kale, goobtan ayaa la filayaa inay noqoto xarun lagu kobciyo aqoonta iyo xirfadaha la xidhiidha beeraha, iyadoo diiradda la saarayo tijaabinta farsamooyin wax-soo-saar oo wax ka tari kara horumarinta wax-soo-saarka dalagyada.
Wasiirka Beeraha, Aadan Geeddi Qayaad, ayaa sheegay in beertu door muhiim ah ka qaadan doonto kor u qaadista wax-soo-saarka dalagyada, tayada abuurka, xirfadaha beeralayda iyo sugnaanta cuntada Somaliland.
Mashruucan ayaa qayb ka ah iskaashiga Somaliland iyo Taiwan ee dhinaca horumarinta beeraha, iyadoo labada dhinac ay xoogga saarayaan kor u qaadista aqoonta, farsamooyinka casriga ah iyo wax-soo-saarka beeraha.







0 





