Xildhibaan Ciise Kayd iyo Dr. Edna Aadan Oo Booqday Abwaan Jiheeye iyo Wariye Baylood
Xildhibaanka iyo Dr. Edna ayaa sheegay in xaaladda caafimaad ee labada maxbuus
Hargeysa – Xildhibaan Ciise Kayd Maxamuud iyo Dr. Edna Aadan Ismaaciil ayaa maanta booqday Xabsiga Weyn ee Hargeysa, halkaas oo ay ku xidhan yihiin Abwaan Jiheeye iyo Wariye Baylood oo muddo halkaasi ku jiray.
Xildhibaanka iyo Dr. Edna ayaa sheegay in xaaladda caafimaad ee labada maxbuus ay wanaagsan tahay, isla markaana ay socdaan dadaallo la xidhiidha sidii loo sii dayn lahaa.
Waxay intaas ku dareen in haddii dadaalladaasi u socdaan sidii loogu talagalay, la filayo in Abwaan Jiheeye iyo Wariye Baylood ay dhawaan dib u heli doonaan xorriyaddooda.
Booqashadan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay socdaan dadaallo ku aaddan sii daynta labada qof ee ku xidhan Xabsiga Weyn ee Hargeysa.
Loading...
Loading...


0 





