Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Oo Shir-guddoomiyey Kulanka Guddida Caddaaladda Somaliland
Hargeysa – Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Guddoomiyaha Guddida Caddaaladda, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta shir-guddoomiyey kulan ay Guddida Caddaaladda Somaliland ku yeesheen Xafiiska Guddida Caddaaladda ee Maxkamadda Sare.
Kulanka ayaa ka mid ahaa fadhiyada joogtada ah ee Guddida Caddaaladda, waxaana lagaga hadlay hawlaha iyo shaqada ay bahda Garsoorka iyo Caddaaladdu u hayaan qaranka.
Guddidu waxay kulanka ku sii ambaqaadday waajibaadkeeda shaqo iyo arrimaha la xidhiidha horumarinta iyo habsami-u-socodka hawlaha garsoorka iyo caddaaladda.
Fadhiyada Guddida Caddaaladda Somaliland ayaa la sheegay inay si joogto ah u sii socon doonaan, iyadoo kulamadaasi qayb ka yihiin hawlaha caadiga ah ee guddidu u qaabilsan tahay qaranka.


0 





