Somaliland iyo Taiwan Oo Xoojinaya Xidhiidhka Labada Dhinac

Waxaa mahadnaq loo jeediyay Taiwan in the US iyo Ambassador Alexander Tah-Ray Yui, kaddib soo dhaweyntii diirran ee loo sameeyay Madaxweynaha Somaliland intii uu booqashada ku joogay Taiwan.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Taiwan uu ku dhisan yahay aasaas adag, iyadoo la muujiyay kalsooni laga qabo in labada dhinac ay sii wadi doonaan xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga.
Sidoo kale, waxaa la xusay in xiriirka labada dhinac aanu ku koobnayn oo keliya dowladaha, balse uu sidoo kale ku salaysan yahay xiriirka iyo iskaashiga labada shacab.
Booqashada iyo kulamada Somaliland iyo Taiwan ayaa kusoo beegmaya xilli labada dhinac ay doonayaan inay sii xoojiyaan xiriirkooda iyo wada shaqaynta dhinacyada kala duwan.


0 





