Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Shir Caalami ah Kaga Qayb Galay Taiwan

0
Saturday September 19, 2026 - 20:28:52 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 58
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Shir Caalami ah Kaga Qayb Galay Taiwan

    Shirkan oo lagu magacaabo World Alliance for Disaster Management (WADM

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkan oo lagu magacaabo World Alliance for Disaster Management (WADM


May be an image of dais and text


Taipei – Wafti uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Somaliland, Mudane Cabdalle Maxamed Carab, ayaa ka qayb galay shir caalami ah oo looga hadlayo maaraynta masiibooyinka, kaas oo lagu qabtay caasimadda Taiwan ee Taipei.

Waftiga waxaa sidoo kale ka mid ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Maxamed Cabdiraxmaan Xasan, iyo Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Somaliland, Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan (Sawaaxili).

Shirkan oo lagu magacaabo World Alliance for Disaster Management (WADM) ayaa waxaa ka qayb galay masuuliyiin iyo wakiillo ka kala socday dalal iyo hay’ado caalami ah.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha la xidhiidha maaraynta masiibooyinka, iyadoo dhinacyada ka qaybgalaya ay ka wada hadlayaan sidii loo horumarin lahaa diyaar-garowga, ka jawaabista iyo maaraynta xaaladaha masiibooyinka.

Ka qaybgalka waftiga Somaliland ayaa qayb ka ah ka qaybgalka caalamiga ah ee arrimaha maaraynta masiibooyinka iyo fursadaha lagu xoojin karo iskaashiga dhinacyada ay khusayso.

No photo description available.
May be an image of dais and text
May be an image of studying and text
May be an image of studying and text

Loading...
Loading...