Xildhibaan John Rose oo Madaxweyne Cirro Ku Qaabilay Xafiiskiisa Washington

0
Thursday September 17, 2026 - 15:12:15 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 43
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan John Rose oo Madaxweyne Cirro Ku Qaabilay Xafiiskiisa Washington

    Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay inuu ku faanayo inuu hormuud

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay inuu ku faanayo inuu hormuud


May be an image of the Oval Office and text


Xildhibaan John Rose, oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Maraykanka, ayaa sheegay inuu sharaf u ahaa inuu maanta xafiiskiisa Washington ku qaabilo Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro).

 

John Rose ayaa sheegay in shacabka Somaliland ay muddo dheer dadaal ugu jireen xoojinta xiriirka ay la leeyihiin Maraykanka iyo xulafadiisa, isagoo tilmaamay muhiimadda ay arrintani u leedahay labada dhinac.

 

Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay inuu ku faanayo inuu hormuud ka yahay sharci taageeraya in meesha laga saaro caqabadaha hortaagan Somaliland inay hesho fursado ay kaga qaybqaadato suuqyada maaliyadeed ee Maraykanka.

 

Sida uu sheegay Congressman John Rose, tallaabadan sharci-dejineed waxay fursado dhaqaale u abuuri kartaa labada dhinac, isla markaana gacan ka geysan kartaa xoojinta xiriirka Somaliland iyo Maraykanka.

 

Kulanka ayaa kusoo beegmaya xilli Madaxweyne Cirro uu ku sugan yahay Washington, halkaas oo uu kulamo iyo wada-hadallo la xiriira xiriirka Somaliland iyo Maraykanka, amniga, maalgashiga iyo arrimaha diblomaasiyadda kula yeelanayo masuuliyiin iyo xildhibaano Maraykan ah.

Loading...
Loading...