Mashruuca Waddada Hargeysa–Balligubadle Oo Si Habsami Leh U Maraya Marxaladda Daamur-dhigista

0
Thursday September 17, 2026 - 14:42:57 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 33
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mashruuca Waddada Hargeysa–Balligubadle Oo Si Habsami Leh U Maraya Marxaladda Daamur-dhigista

    Mashruuca Waddada Hargeysa–Balligubadle ayaa isku xidha gobollada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mashruuca Waddada Hargeysa–Balligubadle ayaa isku xidha gobollada

May be an image of road and text



Hay’adda Horumarinta Waddooyinka Somaliland ayaa si habsami leh u wada shaqada daamur-dhigista Mashruuca Waddada Hargeysa–Balligubadle, oo ka mid ah mashaariicda muhiimka ah ee kaabayaasha dhaqaalaha.

 

Waddadan ayaa la filayaa inay xoojiso isku xidhka gobollada, isla markaana fududayso isu-socodka bulshada iyo gaadiidka, iyadoo sidoo kale abuuri karta fursado cusub oo dhinacyada ganacsiga iyo dhaqdhaqaaqa dhaqaalaha ah.

 

Mashruuca Waddada Hargeysa–Balligubadle ayaa isku xidha gobollada Maroodijeex iyo Hawd, waxaana la filayaa inuu door muhiim ah ka qaato horumarinta dhaqaalaha iyo isu-socodka bulshada.

 

Sidoo kale, marka mashruucu si buuxda u hirgalo, waddadu waxay gacan ka geysan doontaa yaraynta caqabadaha gaadiidka, fududaynta isku socodka badeecadaha iyo adeegyada, iyo xoojinta isku xidhka bulshooyinka ku nool labada gobol.

 

Shaqada daamur-dhigista ee hadda socota ayaa qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo kaabayaasha waddooyinka, iyadoo waddadan loo arko mid muhiim u ah isku xidhka bulshada iyo kobcinta dhaqdhaqaaqa dhaqaale ee deegaannada ay marto.

Loading...
Loading...